Saraakiil sare oo Yuhuud ah oo nafta is dhaafiyey iyo 600 oo qoys oo farriimo u direy Taliska Ciidanka Yuhuudda

Sunday May 12, 2024 - 19:36:16
Liibaan Jeexoow
Warbaahinta Yuhuudda ayaa sheegaysa in saraakiil badani kaga dhaawacmeen qaarna ku dhinteen dagaallada ka socda Marinka Qaza.
Wargeyska Macaarif ee ka soo baxa dhulka Yuhuudda ayaa tibaaxey in ku xigeenkii amniga General Yogav Bar Shesht lagu dhaawacey Qaza Jumcadii shaley. Israel ayaa sidoo kale sheegtay in 4 kamida ciidankeeda si xun loogu dhaawacey Waqooyiga Marinka Qaza.

Dhanka kale wargeyska Haartez ee ka soo baxa dhulka Yuhuuddu waxa uu qorey in 10 sarkaal oo sare ay isdileen tan iyo bilowgii dagaalka.

Maalmo ka hor garabka dagaalka ee Xamaas Cizu-diin Qasaam ayaa sidoo kale iclaamiyey in ay badbaadiyeen maxbuus Yuhuudi ah oo rabey in uu nafta is dhaafiyo gudaha Marinka Qaza.

Wargeyska Macaariif waxa uu isna xusey in hooyooyin Yuhuud ahi sheegeen in wiilashooda furimaha hore joogaa ay dareemayaan niyad jab ballaaran isla markaana aanay ku kalsooneyn madaxdooda.

Warbaahintu waxa ay intaa ku dartey in 600 oo qoysas Yuhuud ahi waraaq u direen ku socota taliska Ciidanka Yuhuudda taas oo ay ku dalbanayaan in aan wiilashooda la geyn Rafax.

Waalidka ayaa intaa ku darey in aaney ku kalsoonayn madaxda sare ee ciidanka isla markaana aaney eegan karin wiilashooda oo khatar waajahaya.

Warsame Warfaa



Related Items

Update cookies preferences