Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo oo warmutiyeed ka dhan ah DF kasoo saaray Garowe.

Sunday March 24, 2024 - 14:03:47
Liibaan Jeexoow
Madaxweynayaashii hore ee DF Shariif Sheekh Axmad iyo Maxamad Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa war kasoo saaray shir ay magaalada Garowe ku yeesheen iyaga iyo xubno kale.
Warmurtiyeedka oo ay labadooda oo kaliya ku saxiixnaayeen ayaa waxa ay ku dhalliileen siyaasadda Xasan Sheekh iyo qaabka uu wax u wado oo ay ku tilmaameen mid qardo-jeex ah.

Farmaajo iyo Shariif ayaa mowqif adag ka istaagay olole uu wado Xasan Sheekh si uu wax uga badalo dastuurka una kororsado mudada.

Qodobka 7aad ee warmurtiyeedka ayaa waxaa lagu yiri: ” Labada Madaxweyne waxa ay ku celiyeen mowqifka adag ee ay ka taagan yihiin qorshaha aan sharciga ahayn ee lagu beddelayo dastuurka…” intaa kadib waxay farriin u direen gudoomiyaasha Baarlamaanka iyagoo ugu baaqay ineysan ku lug lahaan ajandayaasha lagu sii kala fogeynayo DF dhexdeeeda.

Shariif iyo Farmaajo ayaa uga digay Xasan Sheekh inuu kusii socdo dhabbaha bey yiraahdeen qardajeexa ah ee beddelidda dastuurka, waxayna usoo jeedinayaan inuu kusoo laabto jidkii wadar ogolka iyo dastuurka uu isagu ku dhaartay.

Xasan Sheekh ayaa aad uga walaacay eedeymaha uga imaanaya labadaasi dhinac, waxaana dhankiisa uu wadaa olole uu ku dacaayadeynayo. Xalay Axmad Fiqi oo ah wasiirka gudaha ee DF ayaa dhalleeceeyay Farmaajo iyo Shariif wuxuuna ugu hanjabay inaan loo joojineynin badalka dastuurka.

Related Items

Update cookies preferences