Daawo Video: Guddiga gurmadka fatahaadaya oo howllo dayactir ah ka wada hareeraha webiga Jubba.

Wednesday March 27, 2024 - 15:15:22
Liibaan Jeexoow
Guddiga Maareynta fatahaadaha Xarakada Al Shabaab ayaa weli sii wada latacaalidda saameyntii baaxadda laheyd ee ka dhalatay fatahaadihii iyo daadadkii ku dhuftay Soomaaliya.
Deegaanno dhul beereed ah oo hoostaga degmooyinka Bu'aale,Jilib iyo Salagle ayuu guddigu ka fuliyay mashaariic lagu dayactirayo farihii ay fatahaaduhu ka jeexeen webiga Jubba.

Dhul boqolaal kun oo Hiktar ah ayuu guddigu ka awday ama ka duugay farihii webiga kuwaas oo halis weyn u keeni lahaa beeralayda marka lagaaro xilli roobaadka Guga.

Halkan ka daawo Video muujinaya mashruuca dayactirka biya xireennada

Related Items

Update cookies preferences