Maleeshiyaadka Bangaraafta oo 4 qof shacab ah ku dilay duleedka Janaale Sh/hoose.

Sunday April 07, 2024 - 11:34:17
Liibaan Jeexoow
Khasaara xooggan ayaa dad shacab ah kasoo gaaray weerar ay maleeshiyaadka Bangaraafta Mareykanku ka geysteen deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.
Ugu yaraan 4 qof shacab ah ayaa ku dhintay weerar xalay saqdii dhexe ay maleeshiyaadka huwanta ah ka geysteen tuulada Hantiwadaag oo hoos taga degmada Janaale.

Ma ahan markii ugu horraysay oo maleeshiyaadka Bangaraafta ee Mareykanku tababaray ay dad shacab ah ku xasuuqaan deegaan katirsan Sh/Hoose.

Related Items

Update cookies preferences