Maktabka Qadaha Xarakada Al-Shabaab oo xaqiijiyay in dhalashadii bisha Shawaal 1445 laga arkay Wilaayaatka Islaamiga.

Tuesday April 09, 2024 - 19:45:34
Liibaan Jeexoow
Bayaanka ka soo baxay Marktbka qadaha Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dad Muslimiin ah oo ku dhaqan Wilaayaatka Galguduud, Hiiraan, Shabeellada dhexe, Baay, Bakool iyo Gedo ay arkeen dhalashada bisha Shawaal.
Degaanada laga arkay bisha Shawaal ayaa waxaa kamid ah degmada Ruunirgood ee Wilaayada Shabellada dhexe, degmada Ceelgaras ee wilaayada Galguduud, degmada Rabdhuure, Buurdhuxunle, Ceel Ansaar iyo Lagalaay oo dhamaantood ka tirsan Wilaayada Bakool, deegaanka Eesoow ee hoostaga degmada Ufuroow ee Wilaayada Baay iyo deegaanka Tuula-barwaaqo ee Wilaayada Gedo.

Sidoo kale bisha ayaa laga arkay deegaano hoosyimaada degmooyinka Halgan iyo Baladweyne ee Wilaayada Hiiraan.

Dadka laga xaqiijiyay dhalashada bisha Shawaal ayaa waxaa kamid ah Culimo, masuuliyiin ka mid ah maamullada Islaamiga ah iyo ciidamada Mujaahidiinta ee ku sugan furimaha laga difaacayo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Sidaas daraadeed Maktabka Qadaha ee Xarkada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u iclaamiyay in maalinta berri oo Arbaco ah ay tahay ciidul Fitri.

Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha Mujaahidiinta ayaa dadka Muslimiinta ah loogu hambalyeeyay ciidul Fitriga waxaana loogu baaqay in ay dadka masaakiinta ah caawiyaan farxada ciidana la qaybsadaan.

Related Items

Update cookies preferences