Sarkaal katirsan Nabad Sugidda' dowladda oo si yaab leh loogu dilay Afgooye.

Thursday April 11, 2024 - 15:51:09
Liibaan Jeexoow
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose weeraro khasaara dhaliyay ayaa halkaas lagula beegsaday ciidamo katirsan DF.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa gudaha degmada Afgooye ku dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Xasan Ibraahim C/kariim balse ku magac dheeraa (Qafaareey), sarkaalkan ayaa katirsanaa sirdoonka dowladda ee loo yaqaan Nabad sugidda.

Dhinaca kale qarax xooggan ayaa ciidamo katirsan dowladda lagula beegsaday degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose, ugu yaraan 4 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Related Items

Update cookies preferences