Turkiga oo ku dhawaaqey xilliga uu Soomaaliya shidaal ka qodi doono.

Saturday April 20, 2024 - 10:20:33
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Turkiga ayaa shaacisey xilliga ay soo saari doonto shidaal la filayo in uu ku jiro xeebaha Soomaaliya. Ka dib heshiis DF ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay la gashey Ankara waxa markii ugu horreysay lagu dhawaaqey xilliga la qodi doono.
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa maalinnimadii Jimceha ee shaley tibaaxey in sannadka 2025 ay shidaal ka qodi doonaan Soomaaliya.

"Waxa jirta meel kamida xeebaha Soomaaliya oo aanu rajaynayno in uu ku jiro kayd shidaal, waxaanu shaqada badda ka bilaabi doonnaa sannadka 2025” ayuu yiri Alparslan mar uu wareysi siiyey Telefishanka maxalliga ah ee NTV.

Bishii ina dhaaftey ee March waxa Xasan Sheekh uu heshiis la saxeexday Turkiga kaas oo dhigayey iskaashiga ‘amniga’ iyo soo saaridda saliidda dabiiciga ah.
"Heshiiskani waxa uu dhigayaa in aanu soo saarno khayraadka Soomaaliya oo aanu u soo saarno Soomaalida. Ujeeddadayadu waa in aan xoojinno joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika ee dhanka iskaashiga tamarta.” Ayuu ku yiri Bayraktar qoraal uu soo dhigey barya X.

Dalka Turkiga oo faragelin ku haya dalka Soomaaliya tan iyo 2011 isaga waxa uu hore ula wareegay dekadda Muqdisho haddana waxa uu qorshaynayaa ka faa’ideysiga kheyraadka Soomaaliya. Heshiiska Turkiga oo u muuqda mid madmadow badani ka muuqdo maaddaama oo dalka aan xukuumad hagaagsani ka jirin ayaa shaki laga qabaa sida uu u hirgeli doono iyo saamiga ay Soomaalidu ka heli doonaan. Muruqmaalkii dekedda ee ay hore maamulkeeda Turkidu ula wareegeen ayaa tabasho badan hore uga muujiyey qaab maamulka Turkiga.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences