Meydad laga helay meel ku dhow madaxtooyada Villa Somalia.

Sunday April 21, 2024 - 11:03:34
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya meydad hor leh oo laga helay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho xilli ay dilalka qorshaysan kusii badanayaan gudaha magaaladaasi.
Garaash kuyaal agagaarka Tiyaatarka degmada Wardhiigleey ayaa laga helay meydka nin iyo naag kala ajnabi ah kuwaas oo muddo sedax maalmood ah laweysanaa.

Abuukar Yuusuf Ibraahim oo ahaa darawalkii xoghayihii hore ee xafiiska R/wasaaraha iyo haweenay lagu magacaabi jiray Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle ayaa meydkood laga dhax helay gaari nuuca aan xabaddu karin ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labada ruux ee ladilay qeybaha sare ee jirka rasaas lagala dhacay, kiisaska nuucaan ah ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Related Items

Update cookies preferences