Caalimkii weynaay ee Cabdul Majiid Azandaani oo geeriyooday.

Monday April 22, 2024 - 20:18:18
Liibaan Jeexoow
إنا لله وإنا إليه راجعون. Alle ha unaxariistee waxaa magaalada Istanbul ku geeriyooday Sheekhii caalimka ahaa ee Cabdil Majiid Zandaani. Sheekhan oo u dhashay wadanka Yemen ayaa kamid ahaa culumadii Islaamka ee hormuudka ka ahaa Jihaadkii gaaladii midwoga Sofiyeeti lagu jebiyay ee ka dhacay wadanka Afghanistaan.
kadibna wuxuu dib ugu soo laabtay Yemen halkaas oo uu ka aas-aasay Jaamacada Al-iimaan oo ay ka qalinjebiyeen kumanaan dhalinyaro ah oo markii dambe hogaamiyeyaal ka noqday Jihaadka sida Sheekh Xaarith Nadaari Allaha u naxariistee.

 Sheekh Zandaani ayaa kamid ahaa culumada aadka looga dambeeyo dhanka Icjaazka Qur'aanka isagoo aqoonyahanada gaalada ah kula doodi jiray mucjisooyinka Qur'aanka sidaasna ay ku soo Islaameen qaar badan oo dadkaas kamid ah.

Sheekh Cabdil Majiid Zandaani ayaa  geeriyooday isagoo da'diisu ay ahayd 82 sano. Allaha u naxariisto Sheekh Zandaani, Janada Firdawsana haka waraabiyo.

Related Items

Update cookies preferences