Mudaharaadyo lagu xiray boqollaal arday ah oo ka qabsoomay jaamacadaha Mareykanka.

Monday April 29, 2024 - 15:54:28
Liibaan Jeexoow
Mudaharaadyo xiriir ah oo lagu taageerayo shacabka reer Falastiin isla markaana lagaga soo horjeedo duqeymaha Yuhuudda ee Marinka Qasa ayaa ka dhacey jaamacadaha Mareykanka.
Ciidamada Mareykanka ayaana xabsiga u taxaabtey tobannaan kamid ah bannaan-baxayaasha.

Bayaan ka soo baxey Jaamacadda Indiana ee Bloomington waxa lagu sheegay in 23 bannaanbaxe la xirey xilli hore looga dalbadey in ay teendhooyinkooda ka qaataan goobta.

Warka jaamacadda ka soo baxey waxa uu intaa ku darey in ardeydu ay ku adkeysteen joogidda goobta taas oo keentay in la xabbiso.

Dhanka kale ciidamada booliiska ee Massachusetts ayaa sheegay in ay ka caawiyeen Jaamacadda North-eastern ee Boston sidii meesha looga saari lahaa teendhooyinka bannaan baxayaasha, tan ayaa sababtey in jeelka loo diro ilaa 102 kamid ah bannaan-baxayaasha oo diidey in ay goobta ka tagaan.

Telefishanka CNN ayaa isna ku warramay Sabtidii in mudaharaadayaal taageerayey shacabka Falastiin isla markaana ka soo horjeeday duqeymaha Yuhuuddu ay ka dhaceen Jaamacadda Washington, halkaana waxa ciidanka boolisku ku xireen ilaa 80 ardey.

Jaamacadda kale ee Southern California waxa ay dhankeeda ku baahisey barta X in xarunta jaamacaddu xirnaan doonto si ku meel gaar ah taasna ay sababtey in laga cabsi qabo isku dhac booliska iyo ardeyda.

Bannaanbaxyadan ayaa ku soo beegmaya xilli Xukuumadda Mareykanku hiil iyo hooba la garab taagan tahay maamulka Yuhuudda halka qaybo badan oo shacabkeeda ahina ay ka soo horjeedaan falalka gurracan ee Yuhuudda.

Warsame Warfaa


Related Items

Update cookies preferences