Dowladda Colombia oo ku dhawaaqday in ay xiriirkii diblumaasiyadeed ujartay maamulka Yahuudda.

Thursday May 02, 2024 - 10:51:17
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay madaxweynaha dalka Colombia ayuu ku sheegay in dowladdiisu ay jartay dhammaan wixii cilaaqaad ahaa ee kala dhaxeeyay maamulka Yahuudda.
Gustavo Petro oo ah madaxweynaha Colombia ayaa wariyaasha usheegay in uu eryay safiirkii Yahuudda islamarkaana uu uyeertay dhammaan diblumaasiyiintii Colombian-ka ahaa ee ku sugnaa magaalada Talbaabiin.

Madaxweynaha Colombia ayaa Yahuudda ku tilmaamay bahalo xasuuq ugeysanaya dadka shacabka ah, wuxuu dhaleeceeyay xasuuqa aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku go'doonsan magaalada Qaza.

Gustavo Petro ayaa ugu baaqay waxa loogu yeero beesha caalamka in ay gacmaha qabtaan Yahuudda "haddii ay Falasiin dhimato bani'aadanimada ayay dhimanaysa waa in maamulka Naaziga ah ee Israa'iil lagula xisaabtamaa xasuuqa" ayuu yiri madaxweynaha Colombia.

Madaxweynaha Brazil ayaa maalmo ka hor ka caraysiisay R/wasaaraha Yahuudda kadib markii uu sheegay in waxa ka socda Qaza ay ka daranyihiin maxraqadii Hitleer uu ugeystay Yahuudda.

Related Items

Update cookies preferences