Taliye Taani " majiro go'aan aan xiriir melleteri ula sameysanayno Ruushka".

Saturday May 04, 2024 - 18:24:52
Liibaan Jeexoow
Taliska Ciidanka maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa beeniyey warqad dhawaan ka soo baxdey oo tibaaxaysay in maamulku u jeesan doono dhanka Ruushka iyo Shiinaha haddii mucaaridku ay qabsadaan.
Somaliland waxa ay waddamada Reergalbeedka iyo Immaaraadka Carabta ku eedaysay in ay u janjeeraan dhanka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Laakiin war markale ka soo baxay taliska maamulka waxa lagu sheegay in warqaddaasi ay waxba kama jiraan tahay isla markaana askarigii qorey tallaabo laga qaadi doono.

"Warqaddaasi waxay ka soo baxdey qof ka tirsan ciidanka, tallaabana waa laga qaadey” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Somaliland.
Dhanka kale waxa uu afhayeenku ka cudurdaartey in xisbiyada siyaasadda loogu gefay warqaddaas hore.

Qoraalkan raalligelinta laga bixiyey waxa ku xusnaa qaar kamida qabaa’ilka Soomaaliyeed ee dega Koonfurta dalka oo looga hadley si siyaasadeysan. Madaxweynayaal xilalka federaalka u kala dambeeyay ayaa iyaguna ku xusnaa.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences