Alburhaan: dagaalku weli waa bilow cadowgana siin mayno wax fursad ah.

Wednesday May 22, 2024 - 15:15:57
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Ciidamada Suudaan Cabdifaax Alburhaan ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan xoogagga RSF uu weli bilow yahay isla markaana aaney wax fursad ah u oggolaan doonin cadowga.
Burhaan oo ka hadlayey aaska sarkaal sare oo lagaga diley dagaalka ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in ay dhulal badan ka saari doonaan malleeshiyada Gurmadka Degdegga ah.

"Dagaalku wuxu marayaa bilow, cadowga uma oggolaan doonno fursad ay ku nastaan illaa aan guusha ka gaareyno oo aanu soo celinayno wax kasta oo ay waayeen muwaadiniintu” Alburhaan.

Laga soo bilaabo bilowgii dagaalka ee sannadkii hore waxa reer Suudaan kaga dhintey iska jor imaadyadan ahliga ah 15kun oo qof halka ay dalka ka qaxeen waxaan ka yareyn 8milyan oo ruux.

Marba marka ka dambaysa waxa isa soo taraya digniinaha ay bixinayaan hay’adaha reergalbeedku kuwaas oo sheegaya in haddii dagaalku sii socdo Suudaan ay ku soo fool leeyihiin masiibo macaluuleed oo xaaqi karta malaayiin qof.

Sida ay sheegtay hay’adda QM 18milyan oo ruux ayaa ku jira xasillooni darro cunto dalka Sudan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences