Askar Yahuud ah oo ku dhintay weerar gaari jiirsiin ah oo Falasiin ka dhacay.

Thursday May 30, 2024 - 09:36:53
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar gaari jiirsiin ah oo cadowga Yahuud ah lagula beegsaday deegaan katirsan dhulka Falasdiin ee gummeysiga kujira.
Wararka ka imaanaya deegaannada Daantagalbeed ayaa sheegaya in qof muslim ah uu gaari jiirsiiyay askar Yahuud ah xilli ay ku sugnaayeen meel ku dhow magaalada Naabulis.

Saraakiisha booliska burcadda Yahuudda ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 2 askari sahaayina ah ay ku dhinteen weerarkii gaari jiirsiinta ahaa ee ka dhacay magaalada Naabulis.

Related Items

Update cookies preferences