Yuhuudda oo uu yeertay safiirradoodii Spain, Norway iyo Ireland.

Thursday May 23, 2024 - 10:22:30
Liibaan Jeexoow
Maamulka Yuhuudda ayaa aad uga caroodey ku dhawaaqiddii dawladaha Spain, Norway iyo Ireland ee shaleytoole ay ku sheegeen in ay aqoonsanayaan dawlad Falastiiniyiintu leeyihiin.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda maamulka Yuhuuddu waxa ay amar ku siiyeen safiirrada dalalkaas saddexda ah ee ku sugan Israel in ay yimaaddaan Xarunta Wasaraadda Dibedda ee Yuhuudda.

Dhanka kale maamulka Yuhuuddu waxa ay u yeerteen safiirradooda kala jooga Dublin, Madrid iyo Oslo. Tan ayaa ka dambeysay ka dib markii dalalkaasi ka dhawaajiyeen in ay si rasmi ah u aqoonsan doonaan 28 May Dawladda Falastiin.

Dowladaha Saliibiyiinta ee Reergalbeedku waxa ay u muuqdaan kuwo ka daaley taageerada Sahaayinda Yuhuudda, waxa aaney qaadanayaan xalka ugu dhibka yar si aanu dagaalku u sii fidin.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences