Safaaradda Yuhuudda ee Mexico oo dab la qabadsiiyey.

Wednesday May 29, 2024 - 16:37:08
Liibaan Jeexoow
Dad ka careysan falalka bahalnimada ah ee maamulka Yuhuuddu ka waddo Marinka Qaza ayaa isugu soo baxey Safaaradda Sahaayinada ee caasimadda Mexico City kuwaas oo doonayey in ay xoog ku galaan Safaaradda.
Booliska dalkaas oo adeegsanayey sunta dadka kaga ilmaysiisa ayaa isku dayayey in ay bannaan-baxayaasha kala diraan. Muuqaallo laga soo duubey goobta ayaa la arkayey iyadoo mudaharaadayaashu dab qabadsiiyeen safaaradda.

Bannaanbaxayaasha oo qaarkood siteen boorar ay uga soo horjeedaan duullaanka Yuhuudda ee Marinka ayaa la arkayey. Maamulka Sahaayinada ee uu hoggaamiyo Netanyahu ayaa la daalaa dhacaya cadaadis gudeed iyo mid dibadeed oo siyaasi ah. Bishan aynu ku jirno ee May waxa Yuhuuddu u yeerteen safiirradooda kala jooga waddamada Spain, Norway iyo Ireland kuwaas oo sheegay in ay aqoonsadeen Falastiin.

Axsaabta mucaaridka ah ee Yuhuudda ayaa iyaguna dhankooda aad uga digaya dagaalka aan natiijada lahayn ee Yuhuuddu ka wadaan Qaza. Waxa aaney duullaankaas ku tilmaameen mid khatar ku ah jiritaanka Israel.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences