Kufsiyadii ugu badnaa oo laga diiwaangaliyey Suudaan.

Monday May 27, 2024 - 12:42:34
Liibaan Jeexoow
Olole lagu diiwaangelinayo kufsiyadii ka dhacey Suudaan tan iyo intii dagaallada ehliga ahi ka bilaabmeen dalkaasi ayaa la sameeyay. Isugeyn kufsiyadii Suudaan ka dhacey tan iyo April 15, 2023 waxa lagu sheegay 377 kiis sida ay daabaceen qaar kamid ah warbaahinta Sudan.
Guud ahaan tacaddiyada jinsi ee la geystey 131 kamid ah ayaa ku dhacey gabdho yaryar. Warbixinihii ugu dambeeyay ee soo baxa ayaa tibaaxaya in 99 kiis laga diwaangaliyey Waqooyiga Daarfuur, 89 kiis laga diwaangaliyey gobolka Aljasiirah, 56 kiis laga diwaangaliyey Bartamaha Daarfuur, 55 kiis laga diwaangaliyey Khartuum halka ugu dambayn 22 kiis laga diwaangaliyey Alcubeyd, inta soo harteyna gobollada kale ee dalka.

Gobolka Aljaziirah gaboodfallada ugu badan waxa lagu eedeeyay kooxda fallaagada ah ee RSF kuwaas oo wararka qaar sheegayaan in xitaa qoysaska qaar ay ka dhaceen hanti maaliyadeed iyo dahab.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences