Sawirro:Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Magaalada Marka iyo Gaari laga Qabsaday Maleeshiyaadka DF-ka.

Saturday February 06, 2016 - 19:34:34
16675
Super Admin
iskusoo baxyo ka dhacay magaalada Marka
iskusoo baxyo ka dhacay magaalada Marka
Xaalad deganaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha Hoose maalin kadib markii ay gacanta mujaahidiinta soo gashay.


Wararka ka imaanaya Xarunta shabeelaha Hoose waxay xaqiijinayaan in iska hor’imaadyo culus ay hareeraha magaalada ku dhaxmareen maleeshiyaad taabacsan DF-ka iyo ciidanka AMISOM oo isku dhinac ah iyo shabaabul Mujaahidiin.

Wariye Bashiir Muxiyidiin oo ku sugan Magaalada Marka ayaa soo sheegay in mujaahidiintu ay iska caabiyeen weerar arbushaad umuuqday oo ciidanka Uganda iyo maleeshiyaad dabadhilifyo ah soo qaadeen.

Dabaal degyo iyo damaashaadyo ayaa wali ka socda Marka waxaana gudaha magaalada shacabka fagaarayaal kala hadlay mas’uuliyiin mujaahidiinta katirsan.

Weerar dhabagal ah oo ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Ceel-Wareegoow iyo Buufoow ayaa sababay dhimashada sedax askari iyadoona xoogaga Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaari Cabdi Bile ah oo uu saarnaa qori dhashiike ah.

Hoos Ka Daawo sawirro muujinaya xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Marka.


Photo1
Photo2Photo4Photo5Photo6Photo7Photo8Photo9Photo10Photo11Photo12Photo13Photo14

 


Related Items

Update cookies preferences