Daawo: Maleeshiyaadka Shiicada Ciraaq oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqaya Duleedka Magaalada Muusil.

Friday November 11, 2016 - 07:25:14
Hay'adaha sheegta in ay u doodaan Xuquuqul insaanka ayaa soo saaray warsaxaafadeedyo ay ku dhaleecaynayaan maleeshiyaadka shiicada xukumadda Ciraaq ee duullaanka ku qaaday magaalada Muusil.


Warbixinno la aruuriyay ayaa soo bandhigaya gabood fallo waxashnimo ah oo maleeshiyaadka shiicada ah ay kula kacayaan muslimiinta sunniga magaalada Muusil.

War kasoo baxay hay’adda Amnesty International ayay ku sheegtay in ciidamada Xukuumadda Ciraaq iyo Maleeshiyaadka iiraan taabacsan ay si fool xun u xasuuqayaan shacabka sacboolayda ah.

Video labaahiyay waxaa kasoo muuqanayay maleeshiyaadka xukuumadda oo dad rayid ah gowracaya islamarkaana maxaabiis la qaawiyay ku xiraya taayarada gaadiidka gaashaaman.

Hoggaamiyaasha muslimiinta sunniga Ciraaq ayaa dhaleeceeyay tacadiyadan cusub waxayna ugu baaqeen dhalinyarada Sunniga ah in aysan isku dhiibin Maleeshiyaadka xukuumadda oo ay dagaallamaan.

isbahaysiga caalamiga ah ee Mareykanku hoggaaminayo iyo 30,000 maleeshiyaad Kurdiyiin iyo shiico ah ayaa duullaan ku qaaday magaalada muusil ee waqooyiga Ciraaq dhacda waxayna doonayaan in magaaladaasi iyo gobolka Naynawa qabsadaan.

Hoggaamiyaasha Mujaahidiinta ayaa iyana muslimiinta Sunniga Ciraaq ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo ay la dagaallamaan cadawga wadajirka ah ee soo duulay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items

Update cookies preferences