13 Sano Kadib dilkii Sheekh Osaama Bin Laden maxaa iska Bedelay habsami usocodka 'Jihaadka caalamiga ah' [Warbixin].

Thursday May 02, 2024 - 12:50:25
Liibaan Jeexoow
2,May,2011 maanta oo kale ayay dowladda Mareykanka ku dhawaaqday in wadanka Pakistan ay ku dishay Sheekh Osama Bin Laden hoggaamiyihii Hore ee Urur weynaha Al Qaacidda.
Sheekh Osama Bin Laden oo ahaa Halyeey caan ka ahaa caalamka islaamka iyo reer galbeedka ayaa ka tagay Taariikh dahabi ah oo gabigeed laga dheehan karo deeqsinimo,geesinimo,Jihaad iyo wadna goynta cadawga muslimiinta.

Bin Laden ayaa lagu dilay degmada Otobad ee duleedka magaalada caasimadda u ah Pakistan,dilkiisa waxaa la sheegay in ay fuliyeen ciidamo katirsan kummaandooska Mareykanka balse mugdi ayaa kujira qaabka uu u dhacay dilkiisa.

Dowladda Mareykanka oo ku daashay dagaalka ay kula jirto Sheekh Osama Bin Laden iyo saaxiibadiisa ayaa diiday in ay soo bandhigto Meydka sheekha iyadoona sheegtay in meydka shahiidka ay ku aastay gunta hoose ee badda arrinkaasi oo shaki badan dhaliyay.

13 Sanadood kadib dilka sheikh Osama waxaa sii xoogaystay awoodda jamaacaadka jihaadiga caalamiga ah waxaana sare ukacay dadka ku biiraya jihaadka arrinkaasi oo waxba kama jiraan ka dhigaya u dabaal daggii mareykanka ee dilka Bin Laden.

Jihaadiyiinta ayaa dhul ballaaran ka qabsaday wadamada Soomaaliya, Afghanistan ,Suuriya,Maali ,Yemen Burkina Faaso iyo Kenya sidoo kale waxaa sare ukacay weerarada caalamiga ah ee Jihaadiyiintu ay ku beegsanayaan reer galbeedka iyo xulufadiisa.

Weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee lagu qaaday qaarada Yurub wixii ka dambeeyay dilkii sheikh Osama Bin Laden waxaa kamid ah weeraradii Paris ee sanad gudahood ka dhacay, weeraradii dalka Biljamka, weerarkii Tuunis ee dadka reer galbeedka lagu laayay, weeraradii Manda Bay,Gaarisa,Shaaral Edbo, weerarkii Weastgate ee lagu laayay dadka Kirishtaanka ah ee ka dhacay wadanka Kenya.

Dalka Afghanistan oo ah meesha uu kasoo bilaawday halganka jihaadiga ah ee caalamka ayaa laga xoreeyay soo duulayaashii NATO iyo Mareykanka waxaana wadanka dib uga hana qaaday nidaamkii islaamiga ahaa, Sheekh Osama ayaa dowr weyn ku lahaa in Mareykanka iyo xulufadiisa lagu jebiyay dalka Afghanistan.

Al Shabaab ayaa sanadihii 2019 iyo 2020-kii qaadday weerar aad uballaaran oo ay ku beegsatay saldhigga ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay dalka Soomaaliya, waa weerarka Balidoogle waxayna xarakadu sheegtay in ay ku dishay in kabadan 120 askari.

Hujuum kale oo askar iyo saraakiil American ah lagu dilay ayay dagaalyahanada Al Shabaab ee ku xiran Ururka Alqaacidda waxay ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaal gobolka Lamu ee dalka Kenya, taliska AFRICOM wuxuu qiray in weerarkaas looga dilay sedax askari oo ay saraakiil kamid ahayeen.

Weerarkii Mandabay ee gobolka Lamu ayaa asna lagu dilay askar badan oo American ah wuxuuna weerarkaas dirayay farriimo dhowr ah oo ku socday saliibiyiinta gaar ahaan Mareykanka.

weeraro boqolaal ah oo jamaacaad jihaadiga ah oo Alqaacidda ku xiran ay ka fuliyeen wadamo ay kamid yihiin Maali, Burkiina Faaso,Niger,Nigeria iyo Ivery Coast waxaana weeraradaas lagu beegsaday danaha reergalbeedka iyo ciidamo taabiciin u ah Mareykanka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in USA iyo Reer Yurub aysan mahadin dilka sheikh Osama Bin Laden waxaana caalamka islaamka kasoo baxay Osaamayaal kale oo wali taxaddi ku ah dadka aan Muslimka aheyn.

Wixii ka dambeeyay dilkii Bin Laden waxaa daafaha caalamka islaamka ku faafay faracyada Jihaadiga Al Qaacidda waxaana dhismay Al Qaacidada qaarad ukaha Hindiya, Alqaacidada Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya, Al Qaacidada Saxaraha Afrika, Alqaacidada Shaam iyo kuwa kale.

Sheekh Osama Bin Laden oo ahaa Hantiile kasoo jeeda dalka Sacuudiga ayaa isagoo shahiiday malaayiin qof taageerayaal ah ku leh caalamka.

Taageerayaasha Jihaadka caalamiga ah ayaa sheekh Osama Bin Laden ku sheega in uu yahay Imaamka zamankan waana daraja weyn oo uu ku helay difaacida dadka muslimiinta ee la dulmiyay. ma ahan oo kaliya in uu agaasimay weeraradii 11 September ee wuxuu ahaa halyeey deeqsi ah oo lacago malaayiin dollar ah ku bixiyay kaalmeynta agoonta iyo dadka Fuqarada ah.

W/D Warfaa Kheyrdoon


Related Items

Update cookies preferences