Nin ku hubaysnaa Qaanso iyo Fallaar oo dad ku dilay wadanka Norway.

Thursday October 14, 2021 - 11:21:28
Liibaan Jeexoow
Booliska dowladda Norway ayaa faah faahin ka bixiyay weerar khasaara badan dhaliyay oo xalay ka dhacay mid kamida magaalooyinka wadankaasi.


Ugu yaraan 5 ruux ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii nin watay qaanso iyo fallaar uu dhowr qof ku toogtay suuq yaraha degmada Kongsberg oo Koonfur galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Oslo.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay xireen nin 37 sana jir ah oo watay fallaar iyo qaanso waxaana loo badinayaa in uu yahay ruuxa toogashada ku dilay dadkii ka tukaamaysanayay suuqa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ninka weerarka geystay uu dhowr fallaar xabadka kala helay dadkii uu beegsanayay wuxuuna umuuqday nin leh tababar heer sara ah.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences