Sawirro: Ergooyin Ka Laabtay Doorashada Xildhibaanada Oo Isku Dhiibay Al-Shabaab.

Wednesday April 13, 2022 - 15:25:02
Wilaayaatka islaamiga ah ee ay maamusho Xarakada Al-Shabaab waxaa ku qulqulaya ergooyin u badan kuwii doortay xildhibaanadii 2016, kadib markii loogu baaqay in ay Alle uga towbad keenaan doorashada nin sheegtay inuu isagu yahay sharci dajiye.

Ergada oo ka faa’iideysanaya baaqa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa dufco kamid ah lagu soo dhaweeyay magaalada Bu’aale ee wilaayada Jubbooyinka kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso 72 ruux.

Kalimad uu dhowr bilood ka hor jeediyay amiirka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmad Abuu Cubeyda waxaa qeyb ka ahaa baaq ku socda ergooyinka oo ahaa in dilkooda ay ka jecel yihiin iney Alle u towbad keenaan.

Hadallo ay ergooyinku ka jeediyeen munaasabadda ayaa waxay ku sheegeen iney Alle uga towbad keeneen dhisidda Baarlamaan ku dhaqma qawaaniin ay shisheeye qoreen. Muddo dhowr maalmood ah waxaa ergada u socday siminaar diini ah oo ku saabsanaa towxiidka iyo xaakimiyada, mas’uuliyiintii Xarakada Al-Shabaab ee kasoo qeyb galay munaasabadda ayaa taa’ibiinta u sheegay iney yihiin walaalahood iyagoo uga digay iney ku laabtaan ficilkii hore.

Markii ay dhamaatay munaasbadda waxaa wajiyada ergadii hore laga dareemayay farxad iyo reynreyn, qaarkood oo aan si gaar ah u wareysanay ayaa siminaarka ku bartay masaa’il muhiim ah oo ka qarsoonayd kuna saabsan Alxukmu bigheyri maa-anzalallaah.

Related Items

Update cookies preferences