Khilaafka U Dhaxeeya Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye Oo Xoogeystay iyo Axmed Siilaanyo Oo Hanjabay.

Sunday June 01, 2014 - 09:35:12
7154
Super Admin
Jiha wareer dhanka siyaasadda ah ayaa ragaadiyay dhammaan golayaasha wasiirada iyo wakiillada maamulka Somaliland isku magacaabay waqti ammaanka Hargeysa habeenadii lasoo dhaafay khal-khal kajiray.
Khilaafka u dhaxeeya Hoggaamiyaha maamulka Somaliland iyo saraakiisha Xisbiga Kulmiye ayaa cirka iskusii shareeray maalmo kadib markii xilkii uu hayay laga qaaday wasiirkii ganacsiga maamulka Somaliland isku magacaabay.

Axmed Siilaanyo oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono kooxo uu sheegay in qaab siyaasadeysan khal khal ugelinayaan ammaanka magaalada Hargeysa.

Xisbiga Kulmiye ayaa laba garab ukala jabay waxaana laga yaabaa in ay xilka qaadis ku sameeyaan Axmed Siilaanyo haddii aan khilaafka jira xal buuxa laga gaarin.

"Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelin lahaa” ayuu yiri Siilaanyo.

Sidoo kale hoggaamiyaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu yahay murashax utaagan doorashada xilka madaxtinimada ee sanadda soo socota dhici doonta.

Muuse Biixi iyo siyaasiyiin kale oo Kulmiye katirsan ayaa qorshaynaya in ay soo magacaabaan murashaxa madaxtinimada ee xisbiga utartami doona doorashooyinka soo socda.

Khilaafka kajira magaalada Hargeysa ayaa haddii uu sii socda saameyn ballaaran yeelan doona,maleeshiyaadka RRU-da loo yaqaan ayay dhinacyadu isku adeegsanayaan.


Related Items

Update cookies preferences