Axmed Madoobe oo Kismaayo kula kulmay saraakiill shisheeye.

Tuesday May 21, 2024 - 12:28:01
Liibaan Jeexoow
Safiirka dowladda dabadhilifka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Ahmed Jumax Al-romaith ayaa kulan la qaatay madaxweynaha maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Jubbaland Axmed Madoobe xilli uu khilaaf xooggan ka dhex taaganyahay Xasan Gurguurte iyo Abuu Dubaay.
Xafiiska Axmed Madoobe ayaa sheegay in labadan nin ee dabadhilifyada ah ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xiriira mashaariicda ashahaada la dirinimo ee dowladda Imaaraadku kala shaqayso maamulkaasi fadhiidka ku ah magaalada Kismaayo iyo arrimo kale.

Kulanka safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdisho iyo Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Bin Zaayed uu ka rajo dhigay xiriirka kala dhaxeeya Villa Somalia taas bedelkeedna uu bilaabay in uu xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyada shisheeyaha taabacsan.

Sidoo kale madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland ayaa kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee midowga  Africa u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef, waxaana la sheegay in uu mas'uulkan ka socda ururkaasi uu Axmed Madoobe u sheegay in deegaannada uu maamulkiisu ka arrimiyo si la mid ah maamullada kale laga saari doono ciidanka qeybta ka ah isbahaysiga soo duulayaasha ATMIS balse Axmed madoobe ayaa muujiyay in uu culays kala kulmayo weerarada kaga imaanaya dhanka dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin.

Related Items

Update cookies preferences