Isku soo baxyo waaweyn oo lagaga cabanayo sicir bararka oo ka dhacey Ingiriiska.

Thursday February 02, 2023 - 10:52:37
3748
Liibaan Jeexoow
dibad baxyo ballaaran ayaa Arbacadii shaley ka dhacey waddanka UK kuwaas oo caddiley waaxo muhiim u ah nidaamka dowladeed ee Britain.
Dadka ku dhow nus milyan qof ayaa isugu soo baxey shaaracyada waddankaas iyaga oo xukuumadda ka dalbanaya inay wax ka qabato sicir bararka baahsan.

Bannaan baxyadan ayaa ah kuwii ugu ballaarnaa illaa iyo sideetameeyadii qarnigii hore, waxaana ka qayb qaadanaya macallimiinta dugsiyada, darewallada tareennada, bareyaasha jaamacadaha iyo shaqaale kale.

Isu soo baxyadan awgood waxa xirmay illaa 23kun oo dugsi, waxaana sidoo kale hakad galey dhaqdhaqaaqyadii tareennada.

Dhanka kale warbixinaha soo baxaya ayaa sheegaya in illaa 100kun oo kamid ah shaqaalihii dowladdu ay ka qayb qaadanayaan mudaharaadyada.

Xukuumadda Rishi Zunak ayaa lagu eedaynayaa in aanay sicir bararkan baahsan ee dadka Ingiriisku ka daalaadhacayaan aaney ka lahayn qorshe cad oo lagaga gudbi karo.

Liz Truss oo ahayd Raysal Wasaarihii hore ee waddanka Britain ayaa hore isugu casishay xilkaas sababo la xiriira wax ka qabad la’aanta sicir bararka hareeyay dhaqaalaha waddanka. Marka la xisaabiyo boqollayda sicir bararka ee dalkan ayaa lagu qiyaasayaa illaa 10% taas oo ka sii kordhi karta sababo la xiriira qalalaasaha colaadeed ee dunida ka jira oo uu qayb ka yahay dagaalka Ruushka ee Yukrayn ka socda.

Related Items

Update cookies preferences