Marocco: Waxbarashadii oo dib looga bilaabey deegaannadii dhulgariirku ku dhuftey.

Tuesday September 19, 2023 - 19:02:18
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Maqrib waxa ay iclaamisey in dib loo furey dugsiyadii iyo goobihii waxbarashada ee dhulgariirku ka dhacey.
Ka dib muddo 11 maalmood ah oo ay fasax ahayd waxbarashadu waxa la sheegay in xukuumaddu ku mashquulsanayd furidda jidadka deegaannada ay dhibtu haleeshay iyo badbaadinta shacabka.

Goobaha shaley waxbarashadu ka bilaabantey waxa kamida magaalada Amsamiis oo ku taal koonfurta gobolka Maraakish. Sidoo kale magaalada Asna iyo tuulayow kale.

Dugsiyada goobaha dhulgariirku ku dhuftey oo dumey waxa ay wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi yagleeshay teendhooyin kumeel gaar ah oo ardeydu wax ku sii bartaan inta laga dhisayo goobihii waxbarashada.

Dhanka kale wali waxa socda dedaalladii lagu soo badbaadinayey dadka dhibaatadu haleeshay iyo meydadka ku hoosjira guryaha burburey. Dhulgariirkan ayaa Maqrib ku dhuftey 8 September ilaa iyo haddana waxa la xaqiijiyey in ay ku naf waayeen 2946 halka dhaawacuna uu caga cagaynayo 6125 ruux. Waxa sidoo kale dhulgariirku baabiiyey hanti aad u badan.

Related Items

Update cookies preferences