Putin: Kor u kaca millateri ee Falastiin waa fashal ku yimi siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Wednesday October 11, 2023 - 11:18:42
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ka dhawaajiyey maanta oo Salaasa ah in xaaladda ka soo cusboonaatey Bariga Dhexe gaar ahaan Falastiin iyo Israel ay tilmaameyso fashal ku yimi siyaasaddii Mareykanka ee Bariga Dhexe.Putin waxa uu tibaaxey in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso dowlad Falastiin leedahay oo xor ah si loo soo afjaro khilaafka.
Kulan uu madaxweyne Putin la yeeshay RW Ciraaq Maxamed Shiyaac kaas oo ku sugan Ruushka ayaa intaa ku darey in dowladda Mareykanku ay keligeed isu xidhey arrinta mandiqaddaas iyadoo oo aan xisaabta ku darsan in la heli karo xal waara oo labada dhinacba ay ku qancaan, waa sida uu hadalka u dhigay eh.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka S. Lavrov waxa uu maalinnimadii Isniintii sheegay in curinta dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin oo xor ahi ay tahay qaabka keliya ee xal loogu heli karo colaaddan.

Ruushka ayaa mar sii horreysay sheegay in uu xiriir la sameeyay madaxda labada dhinac ee Falastiin iyo Yuhuudda, taas oo Ruushku ku doonayo in uu door muhiim ah oo muuqda ku yeesho mandaqadda. Dhanka kale masuul ku hadley afka aqalka Kremlin waxa sheegay in ay rejaynayaan imaanshaha madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ee Moscow.

Related Items

Update cookies preferences