2200 Falasdiiniyiin ah oo Qaza ku shahiiday iyo Ismaaciil Haniya oo Yahuudda ugoodiyay.

Sunday October 15, 2023 - 17:11:58
Liibaan Jeexoow
Maalintii 9aad oo xiriir ah waxaa dhulalka Falasdiin ka socda dagaallo iyo duqeymo culus oo udhaxeeya xoogaga muqaawamada iyo ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda.
Wararka ka imaanaya magaalada Qaza ayaa sheegaya in duqeymo culus oo ay geysteen diyaaradaha Yahuudda ay ku shahiideen tobanaan ruux.

Wariyaal ayaa soo sheegay in 5tii daqiiqo oo kasta uu hal ruux ku shahiidayo magaalada Qaza arrinkaas oo muujinayo xaddiga ay gaarsiisanyihiin duqeymaha bahalnimo ee Yahuuddu ugeysanayo shacabka rayidka ah.

Xoogaga muqaawamada ayaa dhankooda madaafiic culus ku garaacay dhowr deegaan oo ay xoog ku deganyihiin ciidamada Yahuudda.

Dhinaca kale Ismaaciil Haniya oo ah madaxa xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa kalimad uu jeediyay ku sheegay in aysan marnaba isku dhiibi doonin Yahuudda.

Haniya ayaa ku eedeeyay Yahuudda in ay xasuuq ugeysanayso dadka shacabka ah.

Related Items

Update cookies preferences