Dadka ku Shahiiday duqeymaha Yahuudda ee Qaza oo kor udhaafay 2750 ruux.

Monday October 16, 2023 - 13:23:00
Liibaan Jeexoow
Dagaalkii ka dhashey weerraradii Duufaanta Al Aqsa ayaa galey maalintii tobnaad xilli ay Yuhuuddu duqeymo ka aan kala go' lahayn ka wadaan marinka Qaza.
Tirada shuhadada ee reer Falastiin ayaagaaraya 2750 halka dhaawacyadu ay yihiin 9700 oo qof. Waxa maalmihii ugu dambeeyay socday dedaallo loogu jiro si loo furo marin aammin ah oo ay ka baxaan dadka ajnabiga ah isla markaana gargaar looga gaarsiiyo shacabka Qaza.

Macbarka Rafax ayaa wararka qaar sheegayaan in la furey ka dib 24 saacadood oo xabbad joojin ah.Wakaaladda UNRWA ayaa dhanka kale sheegtay in dadka gudaha ku barakacey ay kor u dhaafeen 1malyan, burbur baahsanina uu ka jira Qaza.

Garabka dagaal ee Xarakada Xamaas waxa uu isna dhankiisa ka dhawaajiyey in aygantaalo ku garaaceen madaarka Bingooriyoon kaas oo u dhow caasimadda Yuhuudda ee Telaabiib. Waxa sidoo kale xoogagga muwaaqimadu sheegeen in ay diyaar u yihiin isla markaana ay caabbin doonaan haddii Yuhuuddu soo qaaddo dagaal barriga ah.

Related Items

Update cookies preferences