71 sana jir American ah oo canug 6 jir Muslim ah ku dilay duleedka Chicago.

Monday October 16, 2023 - 17:37:13
Liibaan Jeexoow
Meel kumanaan kun oo Kiilow mitir ka fog magaalada Qaza ee dhulalka Falasdiin waxaa ka dhacay dil loo geystay dad muslimiin ah sababa laxiriira dagaalka ka holcaya mandiqadda Shaam.
Nin Nasraani xagjir American ah ayaa toorreey ama Mindi ku weeraray qoys deggan gobolka Illinois ee wadanka Mareykanka.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in oday cutush 71 sana jir ah uu isku dayay in uu gowraco hooyo iyo wiilkeeda oo 60 sana jir ah.

Weerarkan ayaa xalay fiidkii ka dhacay meel 65Km ujirta magaalada Chicago kadib markii Joseph Mkazi uu 26 jeer toorreey ku duray ilma yar oo 6 sana jir ah oo hooyadii dhashay oo 32 sana jir ah.

Mas'uuliyiin katirsan FBI-da ayaa lagasoo xigtay in gaalka xagjirka ah uu ku qeylinayay erayo ka dhan ah dadka muslimiinta, booliska waxay sheegeen in 71 sana jirkan uu ku hadaaqayay in uu u aargudayo Yahuudda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wiilka 6 jirka ah uu udhintay dhaawac culus oo soo gaaray halka hooyada ilmaha dhashay iyadoo dhaawac ah lagu dabiibayo isbitaal.

Gaalkan dhibaatada geystay ayaa larumeysanyahay in uu dhirgigelin ka helay madaxda Mareykanka kuwaas oo taageero dhan walba ah ufidiyay Yahuudda xasuuqa ka wadda magaalada Qaza ee dhulalka Falasdiin.

Related Items

Update cookies preferences