Muqaawamada Falasdiin oo shaaciyay tirada Maxaabiistii ay Yahuudda ka qabteen.

Tuesday October 17, 2023 - 08:54:23
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay xoogaga muqaawamada Falasdiin ayaa ku dhawaaqay cadadka tirada maxaabiista Yahuudda iyo reergalbeedka ee ay gacanta ku hayaan.
Abuu Cubeyda oo ah afhayeenka melleteriga Cizudiin Qasaam ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan maxaabiis udhaxaysa 200 illaa 250 halka maxaabiis kale ay hayaan xoogagga kale ee Muqaawamada.

Wuxuu sheegay in 22 katirsan maxaabiista Yahuudda ay ku dhinteen duqeymaha ka socda magaalada Qaza.

Xamaas ayaa ugu goodisay Yahuudda in ay tallaab adag ka qaadi doonaan haddii ay isku dayaan in ay weerar dhulka ah kusoo qaadaan Qaza iyo hareeraheeda.

Weerarkii Duufaanta Al-Aqsaa ee Muqaawamadu ku qaadeen Yahuudda 7,October 2023 ayaa guuldarradii ugu xumeed gaarsiiyay Kiyaanka sahyuuniga tan iyo sanaddii 1973

Related Items

Update cookies preferences