4 katirsan ciidanka Yahuudda oo lagu dilay magaalada Rafax ee dhulka Falasdiin.

Wednesday May 29, 2024 - 17:07:25
Liibaan Jeexoow
Ciidanka Yuhuudda ee duullaanka ku jooga Qaza ayaa qirtey in ilaa saddex askari lagaga diley dhisme ku yaalla deegaanka Rafax ee Waqooyiga Marinka Qaza.
Taliska Yuhuuddu waxa ay sheegeen in askartani ku le’deen qarax loogu rakibey dhismihii ay ku sugnaayeen, waxa kale oo la waayey hal askari kaas oo tirada dhimashada ka dhigi kara afar inta ay qirteen.

Idaacadda Ciidanka Duullaanka ah ayaa sidoo kale sheegtay in 5 askari ay dhaawacmeen kuwaas oo saddex kamid ah dhaawacyadoodu halis yihiin.

Warbaahinta cadowga qaarkood ayaa qoraya in dhismaha ay ku dhaawacmeen 10 askari isla markaana ay 5 kamid ahi xaalad khatar ah ku sugan yihiin.
Illaa bilowgii bishan aynu ku jirno waxa Taliska Yuhuuddu qirteen in isugeyn askarta laga diley yihiin 27 askari.

Dhanka Xarakada Xamaas waxa ay ka sheegeen in ay maanta beegsadeen 15 kamid ah askarta cadowga kuwaas oo noqday wax dhintey iyo wax dhaawacmey.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences