Hoggaamiyaha Xamaas oo falkii ay Yuhuuddu ka geysteen cisbitaalka Gaza masuuliyaddiisa dhabarka u saarey Mareykanka.

Wednesday October 18, 2023 - 14:36:12
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa weerarkii bahalnimo ee caawa ay Yuhuuddu ka geysteen Cisbitaalka Al Ahli masuuliyaddiisa ku xambaarey Mareykanka.
Cisbitalka oo ay ku shahiideen dad kor u dhaafaya 500 oo qof oo u badan dumar iyo carruur ayaa noqdey arrin murugo leh oo dhammaan muslimiinta ka damqadeen.

Ismaaciil Haniya oo Mareykanka eedeeyay ayaa ku sababeeyay inuu qarinayo falalka waxshinnimo ee Yuhuudda.

Waddamada Carbeed iyo dalalka Islaamka ayaa dhankooda cambaareeyay xasuuqa uu wado maamulka Yihuuddu. Dalalka Masar, Sucuudiga, Cummaan, Qadar, Lubnaan, Jasaa’ir, Urdun, Turkiga iyo Iiraan ayaa cambaareeyay weerarka isir sifeynta ah ee Yuhuuddu.

Ururka Xisbullah ayaa dhankiisa sheegay in berri oo Arbaca loo iclaamiyo in ay tahay "Maalin Caro”. Tan ayaa ururku ku sababeeyay safarka Biden ee berritoole uu ku tagi doono Israel.

Maxamuud Cabbaas oo ku magacaaban madaxweynaha Falastiin waxa uu isna sheegay in 3 cisho oo baroordiiq ah loo sameeyo dadka shacabka ah ee la xasuuqay.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences