Tirada shuhadada Falastiin oo gaartey 3500 halka Yuhuuddu weli sii wadaan duqeymaha.

Thursday October 19, 2023 - 13:22:31
Liibaan Jeexoow
Ciidanka Cirka ee maamulka Yuhuudda oo garab ka helaya Saliibiyiinta Caalamiga ah ayaa weli duqaymo ka wada marinka Qasa. Duqaymahan oo galey maalintoodii 13 ayaa dhimashada shacabka Falastiin ay caga-cagaynaysaa 3500 oo qof.
Dhimashada 24-kii saac ee u dambeeyayayaa gaarey 678 shahiid sida lagu daabacey warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera.

Dhanka dhaawaca oo tiro beel noqday waxa uu inta la xaqiijiyey marayaa12kun oo qof. Isku soo wada duuboo Yuhuudda iyo saaxiibbadooda saliibiyiinta ahi waxa ay isku aragti ka yihiin xasuuqa iyo dabargoynta shacabka muslimiinta gaar ahaan reer Falastiin.

Halka kuwa muslimiinta sheegta ee horjoogeyaasha u ah dalalka carabta iyo cajamtuba ay ku gaabsadeen keliya cambaareyn.Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa qiyaasaya in Yuhuuddu dhib kasta oo ay geysato aaney ku ledi doonin dhulka muslimiinta isla markaana ay ka bixi doonaan iyaga oo dulleysan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences