Dadka ku shiiday duqeymaha Yahuudda Qaza oo kor udhaaftay 7,000 oo ruux.

Thursday October 26, 2023 - 11:51:52
Liibaan Jeexoow
Ciidamada maamulka Yahuuniyadda ayaa weli sii wada duqeymaha xagga cirka ah oo ay ka geysanayaan magaalada hareeraysan ee Qaza.
Wararka ka imaanaya Falasdiin ayaa shegaya in dad ka badan 700 oo ruux ay ku shahiideen duqeymaha aan kala joogsiga laheyn ee Qaza ka socda, dhimashadan waxay dhacday 24-kii saac ee lasoo dhaafay sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Diyaaradaha Yahuudda ayaa si aan kala sooc laheyn ubeegsanaya suuqyada ganacsiga,masaajidda,isbitaallada iyo dhamaan xaafadaha magaalada.

Tirada guud ee dadka ku shahiiday weerarada bahalnimo ee Yahuuddu ka wado Qaza ayaa kabadan 7,000 oo ruux.


Related Items

Update cookies preferences