Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqday in 'Puntland' looga maarmay Siyaasadda Soomaaliya.

Tuesday October 31, 2023 - 17:11:22
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay arrimaha siyaasadda uga maarantay maamulka Puntland ee fadhigiisu yahay magaalada Garowe.
Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda dowladda Xasan Sheekh ayaa shir jaraa'id ku sheegtay in maamulka Puntland laga tashaday islamarkaana looga maarmay dhammaan doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaaniga.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in kulamadii uu hoggaamiyaha 'Puntland' aysan wax saameyn ah ku yeelan siyaasadda isagoo ula jeeday in heshiiskii muddo kororsiga ee ay gaareen afarta maamul goboleed iyo Xasan Gurguurte uu dhaqan galyahay.

"Afar dowlad goboleed iyo Banaadir ayaa ku midoobay doorashadan, Puntland na waxaan rajeynaynaa inay mustaqbalka dhow qeyb ka noqon doonto haddii alle idmo,” ayuu yiri Fiqi.

Hadalkan kasoo yeeray DF-ka ayaa ka dhigan in khilaafkii labada dhinac udhaxeeyay uu gaaray meel aan kasoo noqosho laheyn, Deni oo isbuucii lasoo dhaafay hadlay ayaa eedayn kulul ujeediyay Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre.

Related Items

Update cookies preferences