Maamulka Yuhuudda oo sheegay in 1600 oo askari kaga naafoobeen dagaalka ay kula jiraan Xamaas.

Thursday November 23, 2023 - 16:00:06
Idriis Ali
Masuul ka tirsan maamulka Yuhuudda ee Israel ayaa kashifey askarta naafada ku noqotey dagaalka u dhexeeya ciidamada Yuhuudda iyo Xoogagga iska caabbinta ee Falastiin.
Madaxa Jimciyadda Naafada ee Israel Ciidaan Kilmaan oo bayaan la wadaagey idaacadda ciidanka Yuhuudda galabnimadkii Arbacada ayaa tibaaxey in ciidanka curyaamey ee Israel ay yihiin 1600 halka 400 oo kamid ahi weli ku jiraan cisbitaallada. Ciidaan waxa uu intaa ku darey in kuwaasi keliya yihiin dhaawacyo laakiin ay jiraan kumannaan kale oo ka cabanaya isku buuq daran/buufis.

Madaxa Jimciyadda Naafadu waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in tani aaney waligeed dhicin taariikhda Israel, xitaa dagaalkii ‘Maalintii Dembi Dhaafka’ ee 6 October, 1973-kii. Masuulkan Yuhuudiga ahi ma sheegin tirada guud ee wax ka noqotey ciidanka Yuhuudda tan iyo markii ay bilaabeen Hawlgalka Berriga ah 27 October ee bishii ina dhaaftey.

Weerarkii Duufaanta Al Aqsa ee garabka dagaalka ee Xamaas Cizuddiin Qasaam ay qaadeen 7 October ayaa ka tagey 5431 Yuhuud ah oo dhaawacantey, 1200 oo dhintey iyo ilaa 250 qof oo maxaabiis ahaan loo qabsadey.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences