Muqaawamada iyo Yahuudda oo isweydaarsaday dufacaddii 1aad ee Maxaabiista.

Saturday November 25, 2023 - 12:23:27
Idriis Ali
Maalintii labaad oo xiriir ah ayay gashay xabad joojintii looga dhawaaqay magaalada Qaza ee dhulalka Falasdiin halkaas 48-dii maalmood ee lasoo dhaafay ay dagaallo iyo duqeymo ka socdeen.
Maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa sii daayay illaa 39 maxbuus muslimiin ah kuwaas oo kala ah 15 carruur ah iyo 24 dumar ah.
Kooxaha muqaawamada Falasdiin ayaa iyana sii daayay 13 maxaabiis Yahuud ah iyo 10 qof Thailandhiis ah.

Qorshaha ayaa ah in lays dhaafsado 50 maxaabiis Yahuudda ah iyo 150 maxaabiis muslimiin ah oo muqaawamada loosii daynayo

Related Items

Update cookies preferences