Heshiiska Turkey iyo DF-ka muxuu ka beddeli karaa xiriika Itoobiya iyo Turkiga? [Warbixin].

Thursday February 22, 2024 - 17:38:56
Liibaan Jeexoow
Shaley(21 February, 2024) waxa ay Baarlamaanka Soomaaliya cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen heshiis-amni oo dhexmari doona dalka Turkiga iyo DFS.
Heshiiskaas oo aan faahfaahin badan laga bixinnin isla markaana nuqullada uu ka kooban yahay aanay warbaahinta soo gaarin haddana xogaha laga hayo ayaa tibaaxaya in Turkigu muddo toban sano ah ilaalin doono xeebaha Soomaaliya. Xukuumadda Turkigu waxa ay saami ka helaysaa khayraadka xeebaha Soomaaliya inta uu heshiisku jiro.

DFS oo heshiiskan hore ugu soo sexeexatay dalka Turkiga waxa ay cabsida ugu badan ka qabtey dalka Itoobiya oo dhawaan maamulka Somaliland u saxeexay qayb dhulka Somalia kamid ah. Haddaba su’aashu waxa weeye heshiiskaasi muxuu ku soo kordhin karaa siyaasadda geeska? bal aynu isbarbardhig ku samayno xiriirrada ka dhexeeya Turkiga cusub ee calmaaniga ah iyo dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida Wasaaradda Dibedda ee Turkigu daabacdey xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu waxa uu bilaabmey 1979-kii muddo 12sano ka dib ahna waxa xirmey safaaraddii Turkigu ka furteen Soomaaliya maaddaama oo markaa uu dagaal sokeeye ka qarxay Somalia. Muddo dheer oo dalku burbursanaa ka gadaal waxa dib loo furey safaaraddii Turkiga 1 November, 2011. Bishii Juun 2014 waxa si rasmi ah Hargeysa shaqada uga bilaabey qunsulkii guud ee Turkiga.

Reysal Wasaarihii xilligaas ee Turkiga immikana ah madaxweynaha dalkaas ayaa safar ku yimi Muqdisho August 2011 xilligaas oo ay ka jirtey abaar baahsani Koonfurta Soomaaliya. Ganacsiga labada dal dhexmara waxa ay wasaaradda dibedda ee Turkigu ku sheegtay in uu ahaa sannadkii 2018 $187Million halka uu sannadkii ku xigey ahaa $250,850 million.

Mashaariicda Turkigu ka fuliyeen Somalia waxa lagu sheegay $100 million keliya. Laga soo bilaabo 1992 ilaa 2020 oo ku dhow 30 sano Dawladda Turkigu waxa ay deeq waxbarasho siisay 1,190 ardey.

Itoobiya iyo Turkiga.

Turkigu waxa uu safaaraddiisii ugu horreysay ka furtey Addis Ababa sannadkii 1926-kii waa 53sano ka hor safaaradda Muqdisho. Halka Itoobiya safaaraddeeda ku taalla Turkiga ay furtey 1933-kii. Laakiin waxa xiriirkoodu hakad galey 1984 ka dib markii safaaraddii Ankara ay Itoobiya ku lahayd la xirey sababtana lagu sheegay Kacaankii Dergiga ee Mingistu oo talada xoog kula wareegay.

Mar dambe oo la gaarey 2006 waxa dib loo furey safaaradihii iyo xiriirkii labada waddan. Diyaaradda Turkish Airline ayaana duullimaadyo toos loogu tegayo Addis Ababa billowday. Erdogan waxa uu safar ku tegay Itoobiya 2015 markaas oo uu la kulmay madaxweynihii xilligaas ee Itoobiya Mulatu Teshome Wirtu. Ganacsiga laba geesoodka ah ee labada waddan waxa lagu qiyaasey $398 milyan sannadkii 2019 halka sannadkii xigey uu ahaa $272milyan.

Shirkadaha Turkiga ee gebi ahaan Itoobiya joogaa sannadkii 2003 waxa ay ahaayeen hal shirkad iyo shan qof oo shaqaale ah keliya. Immikana waxa Itoobiya ka furan ilaa 200 oo shirkadood iyo in ka badan 20,000 oo shaqaale ah. Turkigu Itoobiya wuxu ka hirgaliyey ilaa 13 mashruuc lacagaha lagu kharash gareeyay waxay kor u dhaafeen 2billion oo doolar. Keliya sannadkii 2020 waxa jaamacadaha Turkigu deeq waxbarasho siiyeen 632 ardey halka Soomaaliyi isla sannadkaas ay ka heshay 98 ardey.

Dawladaha casriga ah ee hadda jira waxa keliya ee ay u ordaan waa dhaqaale iyo danahooda istaraatijiyadeed. Haddaba ilaalinta Turkigu ma tahay dan diineed oo sida dadka qaar u dhigayaan Soomaaliya loogu soo gurmadey? Haddii taasi sax tahay Falastiin muslin ma aha miyaa!.

W/Q Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences