Joogitaanka milliteriga Maraykanka ee Soomaaliya, waa dagaal ka dhan ah " Al Shabaab" iyo waardiyeynta Baabul Mandab [Warbixin].

Monday March 04, 2024 - 16:51:30
Liibaan Jeexoow
Warbixin cusub oo uu daabacay mowqica Aljazeera.net ayaa looga hadlay wujuudka Maraykanka ee Soomaaliya iyo waxa uu hadafkiisu yahay, kaasoo soo bilaabanaya tan iyo sagaashameeyadii wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii kacaanka ee Maxa'ed Siyaad Barre.
" Iyadoo qeyb ka ah iskaashiga labada dal, waxay Soomaaliya iyo Maraykanku kala saxiixdeen heshiis milliteri bishii Febraayo, kaasoo dhigaya in Maraykanku ka qeyb qaato dhismaha ciidamada Soomaalida ee dagaalka kula jira Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warbixinta.

Tallaabadan waxay ku xiriirsantahay ku lug lahaanshiha milliteri ee uu Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya, kaasoo sii kordhay wixii ka dambeeyay markii uu Joe Biden noqday madaxweynaha Maryakanka, amreyna in boqollaal askari oo Ameerikaan ah loo diro Soomaaliya, taasoo ka hor imaaneysa siyaasaddii ninkii xilka kaga horeeyay ee Trump, kaasoo aaminsanaa siyaasad ah in Maraykanku kasoo jilbo laabto dagaallada ma dhamaatada ah.

Go’aanka Biden ee ahaa in la kordhiyo wujuudka milliteri ee Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya, wuxuu banaanka soo dhigayaa, sida warbixintu sheegeyso, ahmiyadda Jeo Stiraatiiji ee dalkan, kaasoo dacalka ku haya badweynta Hindiya, gacanka Cadan, iyo badda Cas.

Wuxuu sidoo kale dalka Soomaaliya ka dhiganyahay albaabka laga garo bariga qaaradda Afrika iyo gunteeda hoose, iyo barkulan muhiim ah, marka laga hadlayo dalalka dhaca geeska Afrika, oo ka dhigan mid kamid ah saaxaadka uu ka socdo dagaalka qabow ee Washington kula jirto Ruushka iyo Shiinaha.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya, waxay tilmaamayaan in heshiiska dhawaan kala saxiixdeen Maraykanka iyo Dowladda Federaalka uu qeyb ka yahay xiisadda ka alloosan badda Cas, Maraykankuna doonayo inuu xoojiyo wujuudkiisa milliteri iyo kan sirdoon ee dalkan, oo aad ugu dhow meydaanka uu hadda loolanka ka socdo oo ah badda Cas.

Diraasad uu baahiyay markazka Al-Malik Feysal ee diraasaatka iyo baaritaannada ayaa tilmaameysa in go’aanka Biden ee ah in ciidankiisa lagu celiyo Soomaaliya uu muujiyay rabitaanka Washington ee ah ku lug lahaanshiha Soomaaliya.

Arimaha xusida mudan ee muuqday waxaa kamid ah, sida warbixintu tilmaameyso in maalin kadib doorashadii Xasan Sheekh Maxmuud uu kusoo baxay, uu Maraykanku ku dhawaaqay go’aankiisa ah in ciidankiisa lagu celinayo Soomaaliya, taasoo ka dhigneyd taageero uu Maraykanku u muujinayo ahdaafta uu lahaa Xasan Sheekh ee ah la dagaallanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

" Qorshahan dib ugu laabashada Soomaaliya, wuxuu astaan u ahaa sida Maraykanku u doonayo inuu yareeyo saameynta ka dhalan karta bixitaanka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya dhamaadka sanadkan 2024-ta, kuwaasoo taageero xoogan u ah ciidamada Soomaalida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, qorshahana uu yahay in iyagu ay la wareegaan amniga dalka” ayay leedahay warbixinta uu daabacay mowqica Aljazeera.net

Sida ay warbixintu tilmaameyso, sanadihii u dambeeyay waxaa aad u kordhay awoodda Xarakada Al-Shabaab, taaasina waxay ku qasabtay taliyihii hore ee ciidamada Africom Stephen Townsend uu kutilmaamo Al-Shabaab sanadkii 2022-da iney yihiin kuwa awood u leh iney la qabsadaan xaalad weliba, lana falgalaan waxa horyaala, awoodna ay u leeyihiin beegsiga danaha reer galbeedka ee bariga Afrika iyo Soomaaliya.

Sida uu Maraykanku ku doodo, warbixintana ay sheegeyso, wuxuu wujuudka milliteri ee Maraykanku ku leeyahay dalkan ahdaaftiisa kamid ah ilaalinta masaalixda Maraykanka iyo xulafadiisa, iyadoo la dhimayo awoodda sii kordheysa ee Al-Shabaab.

Laakiin aqoonyahanno badan oo Soomaaliyeed waxay marar badan tilmaameen in ujeedka Maraykanka ee duullaankiisa Soomaaliya uu yahay ajande gumeysi, boobka kheyraadka, iyo la dagaallanka maamul islaami ah oo ka hana qaada gayyiga Soomaaliya.

Qiimeynta handadaada argagaxisada ee sanadka 2024-ta, oo ah qiimeyn sanadle ha oo uu soo saaro machadka diraasaatka istiraatiijiyadda ee Washington ayaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku daray liiska jamaacaadka halista amni ku haya wadamada bariga Afrika.

Wuxuu tusaale u soo qaatay machadka in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weeraro dhiig badan ku daatay ka fulisay dalalka Uganda, Kenya, iyadoo sidoo kael ku hanjabtay iney beegsan doonto masaalixda Maraykanka iyo reer galbeedka ee Jabuuti, weerarkii ugu cuslaana waxay sanadkii 2020-ka ka fulisay gacanka Manda Bay ee Kenya, kaasoo ay ku beegstay saldhig ciidan oo ay degnaayeen ciidamo Maraykan iyo Kenyaati isuga jira.

Sida warbixintu sheegeyso, waxay xukuumadda Washington ay hadda u xusul duubeysaa hakinta in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay usii gudubto dalalka Itoobiya iyo Suudaan oo holacaya, colaadana ay ka jiraan, bey’aatka noocaas ah ayuuna Maraykanku aaminsanyahay iney yihiin goobo munaasab u ah iney Al-Shabaab ka furtaan jabhado cusub.

Waxay sidoo kale aaminsantahay dowladda Maraykanka in haddii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay u gudubto dalka Suudaan ay ka dhigantahay iney isku xirmaan Jamaacaadka Jihaadiga ee ka dagaallamaya galbeedka Afrika illaa barigeeda, taasoo ka dhigan iskaashi iyo khibarad isdhaafsi xoog leh, oo halis gelin kara danaha reer galbeedka ee qaaradda.

Warqad kasoo baxday machadka Brookings ayaa mandiqadda geeska Afrika oo ay Soomaaliya kamid tahay u aragta iney tahay saaxo marti gelineysa tijaabo awoodeed oo u dhexeysa Maraykanka iyo dowldaha tartanka kual jira.

" sidaasi darteed, tababarka Maraykanku siinayo ciidamada Soomaalida waa istiraatiijiyad dadban oo aan muujineynin keliya in Maraykanku doonayo ballaaritna wujuudkiisa caskariga, balse ay tahay tallaabo uu kaga hortagayo awoodaha kale ee kula tartamaya mandiqadda” ayay leedahay warbixinta uu qoray markazka Brookings.

Maadada 1202aad ee qaanuunka difaaca amniga qaranka ee Maraykanka ayaa dhigaya in difaaca dalka loo kaashan karo ciidamo aan Ameerikaan ahayn, marka laga hadlayo saaxaadka aan sida rasmiga ah dagaal ka dhanka ah Maraykanka looga dhawaaqin, si looga hortago awoodda dhinacyada kasoo horjeeda Maraykanka.

Tani waa mida keentay in Maraykanku dhaqaale ballaaran ku bixiyo ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Danab, kuwaasoo sida muuqaneysa uu Maraykanku u arko iney yihiin ciidamo difaacaya danihiisa, si ka duwan hadallada marin habaabinta ah ee ay madaxda Soomaalida jeediyaan oo ah in ciidamadan ay difaacayaan qaran ay Soomaalidu leedahay.

Jaamacadda Brown University eek u taalla dalka Maraykanka waxay baahisay diraasad ay ku sheegeyso in qarashka uu Maraykanku ku bixiyay mashruuca la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada ee Soomaaliya uu gaaray intii u dhexeysya 2007-da illaa 2020-ka, lacag dhan 2.5 bilayn oo dollar, taasoo lagu fangareeyay majalaatka tababarka, hubeynta iyo taakulada lojistikada iyo sirdoonka.

Tan iyo May 2022-ka, 450 askari oo Maraykan ah ayaa ku lug leh dagaalka Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan howshoodu tahay tababarida ciidamada Sooamalida iyo xitaa kuwa Afrikaanta, sida ay warbixintu tilmaameyso.

Duqeymaha xaga cirka ah ee ka dhaca Soomaaliya, kuwaasoo beegsada deegaannada wilaayaadka Islaamiga ah iyo dadka kunool ee aaminka ah, ayay warbixintu sheegeysaa iney kamid tahay howlaha aasaasiga ah ee ay ciidamada Maraykanka ka wadaan dalka Soomaaliya.

Sanadkii 2023-da, dowladda Maraykanka waxay qiratay iney Soomaaliya ka geystay 19 duqeyn, taasoo aad uga yar marka loo barbar dhigo sanadkii 2019-ka oo ay fuliyeen 63 duqeyn, dad badana ayaana arinkan u sababeynaya in Jihaazka amniga ee Xarakada Al-Shabaab uu indhaha ka riday jawaasiista Maraykanka uu usoo diray deegaannada Wilaayaadka Islaamiga ah.

Heshiiskii dhawaan Maraykanka iyo Dowladda Federaalka dhexmaray ayaa dhigaya in Maraykanku uu 5 saldhig oo milliteri ka sameysto dalka, taasoo sii muujineysa gumeysiga tooska ah ee uu weli dalkeena ku jiro, waajibna ka dhigeysa in loo sacyiyo sidii loo xureyn lahaa wadanka iyo dadkaba.

Related Items

Update cookies preferences