Baarlamaanka DF oo ansixiyay dastuurka ay soo qortay Villa Somalia.

Saturday March 30, 2024 - 12:29:39
Liibaan Jeexoow
Kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka dowladda Federaalka ayay ku ansixiyeen waxka bedelka dastuurka.
Aadan Madoobe oo oo ah guddoomiyaha baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in 254 xildhibaan oo katirsan labada gole ay ogolaadeen dastuurka cusub mana jirin cid diidday sida uu hadlka udhigay.

Dastuurkan cusub ee Villa Somalia ay baarlamaanka ka ansixisay ayaa dhigaya in dowladda Federaalka ay yeelato madaxweyne iyo R/wasaare maqaar saar ah oo ay madaxtooyadu soo magacaabayso islamarkaana ay casili karto.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxweynayaashii hore ee DF-ka ayaa dhaleeceeyay tallaabada dastuurka wax looga bedelayo, maamulka Puntland ayaa isna iska diiday aqbalidda dastuurka cusub.

Related Items

Update cookies preferences