Itoobiya oo markale si adag uga hadashay boobka Badda Soomaaliya iyo mustaqbalka ciidamadeeda ku sugan gobollada dalka [Warbixin].

Sunday April 21, 2024 - 12:23:46
Liibaan Jeexoow
Mas'uul sare oo katirsan wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegay in marnaba aysan ka laaban doonin heshiiskii xaaraanta ahaa ee dowladdiisu ay lagashay maamulka isku magacaabay Somaliland.
Ambaasadoor Cabdicaziiz Aadam oo ah lataliyaha wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Addis Ababa ayaa koox wariyaal iyo diblumaasiyiin ah u sheegay in is-fahamkii dhanka badda ee dhaxmaray Abiy iyo Muuse Biixi uu dhaqangal noqon doono isagoo weerar afka ah ku qaaday xukuumadda Xasan Gurguurte.

Isagoo hadallo ka jeedinayay machadka diblumaasiyadda ee taabacsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya "gaaritaanka Itoobiya ee biyaha baddacas wuxuu suurtagelinayaa in uu sare ukaco wax isdhaafsiga ganacsi ee nagala dhaxeeya Soomaalia oo ah dal leh xeeb dhererkeedu yahay 3,000 oo Kiilow mitir" ayuu yiri Cabdicaziiz Aadam.

Mas'uulkan Xabashiga ayaa duray mowqifka DF-ka ee ku aaddan heshiiskii badda ee dhaxmaray Itoobiy iyo 'Somaliland',wuxuu carrabaabay in heshiiskaas uu dhaqangal noqon doono "isku dayada liita ee xukuumadda Muqdisho ay ku durayso heshiiska aan galnay waa mid mid  indhaha looga leexinayo fashilka weyn ee gudaha ka heysto wax saameyn ah kuma yeelan doono heshiiska ay Itoobiya ku gaarayso biyaha badda Cas" ayuu hadalkiisa sii raaciyay lataliyaha wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Sarkaalkan Itoobiyaanka ah oo ku dheeraaday damaciisa gurrucan ee ku aaddan qabsashada qeyb kamid ah badda Soomaaliya ayaa ku jees jeesay dowladda Xasan Gurguurte isagoo sheegay in haddii ciidanka Itoobiya ay isaga baxaan Soomaaliya ay maalmo kooban gudahood dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin lawareegi doonaan dalka.

Taariikhdu markii ay ku beegneed 1,1,2024 ayuu Muuse Biixin Abiy Axmed usaxiixay in itoobiya lasiiyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya waxaan heshiiskaas ka dhiidhiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wilaayaatka Islaamiga iyo hoggaanka Xarakaa Al Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences