Firdhiye: way dhammaatey xilligii intaad colaad hurisaan aan odhan jirney nabad baan idiin wadnaa.

Wednesday May 01, 2024 - 10:55:37
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha maamulka la baxey SSC-Khaatumo ayaa si adag uga hadley dilal dhawaan ka dhacey deegaan hoos yimaadda gobolka Sanaag.
Cabdiqaadir Firdhiye oo ah hoggaanka Khaatumo waxa uu tacsi u direy labadii nin ee Axaddii lagu diley Sanaag. Dhanka kale waxa uu tibaaxey in hadda wixii ka dambeeya ay duullaan yihiin.

"Qarsoodi maaha, lala dhuumaaleysan maayo, afka laga dhowran maayo, waa idin soo weerareynaa, duullaan baanu soo nahay” ayuu yiri Firdhiye

Waxa kale oo uu intaa ku darey in ay jireen odayaal dhaqameed Burco ka hadley oo nabad ku baaqey balse waxa uu ka dhawaajiyey in ay marka hore iyaga nabaddu ka muuqato.

"Waxaan maqlayaa isimmo iyo salaaddiin ka hadlaya Burco, nabad baanu wadnaa bay yiraahdeen; Nabaddu haydinka muuqato” ayuu raaciyey Firdhiye
Dilka labadan nin ee shacabka ahaa baa dhaliyey hadal hayn weyn waxaana dhawaan ka hadley odayaasha wiilashoodu dilka geysteen iyaga oo ku baaqey in dhinaca wax loo geystay ay is dejiyaan isla markaana lagu daba jiro kuwii falkaa geystay.

Xaaladda degaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayaa diyaargarow ciidan taas oo sababi karta in saacad kasta dagaal dhaco.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences