Abiy Axmed oo casilay wasiirkiisi difaaca amar adagna duldhigay saraakiisha ciidamada.

Monday May 20, 2024 - 16:48:34
Liibaan Jeexoow
Waqti dagaallo culus ay ka holcayaan dhowr gobol oo katirsan wadanka Itoobiya ayuu Abiy Axmed xilka qaadis ku sameeyay mid kamida wasiirradii ugu muhiimsanaa xukuumaddiisa.
Wareegto kasoo baxday xafiiska R/wasaaraha Itoobiya ayaa lagu casilay Abrham Belay oo ahaa wasiirka difaaca waxaana lagu bedelay haweenay lagu magacaabo Caa'isha Max'med.

Haweenaydan laga dhigay wasiirka difaaca Xabashida ayaa kasoo jeedda qowmiyadda Cafarta oo siyaasiyiinteeda dabadhilifyada ah ay isbahaysi xooggan laleeyihiin Abiy Axmed.

Wasiirkii hore ee difaaca Itoobiya ayaa madaxa looga dhigay wasaaradda waraabka dooxooyinka, xilka qaadistan ayaa timid xilli ay kooxaha mucaaradka Amxaarada ee Faano loo yaqaan ay dagaallo culus kula jiraan melleteriga Federaaliga ah.

Guuldarrooyin is xigxiga ayaa ciidamada Xabashida dhabarka loogu saariyay dagaallo culus oo sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacayay dhowr deegaan oo katirsan ismaamulka Amhara.

Dhinaca kale R/wasaaraha Itoobiya ayaa saraakiisha Melleteriga ku amray in aysan dalka dibaddiisa u aadi karin safar caafimaad.

Isagoo booqanayay ismaamulka Oromiya ayuu xarigga ka jaray isbitaal loogu magac daray Bishoftu kaasi oo loo gaar yeelay ciidamada.

Khudbad uu ka jeediyay furitaanka isbitaalka ayuu ku amray wasaaraadda difaaca iyo saraakiisha ciidamada in Isbitaalkan ay yimaadaan islamarkaana mamnuuc uu ka yahay safar caafimaad oo dibadda ah.

Related Items

Update cookies preferences