Intuu Aabahay Dilay Ayuu Doonayaa Inuu Hooyadey Dumaalo!! Maqaal.

Sunday January 25, 2015 - 11:57:58
Super Admin
Jeneraal Gabre oo Xafiiska Villa Somalia ku yaal ku dhax dangiiga
Jeneraal Gabre oo Xafiiska Villa Somalia ku yaal ku dhax dangiiga
Marka qof walba uu aqriyo cinwaanka maqaalkan waxaa durbadiiba maskaxdiisa kusoo dhacaya qof dhib weyn loo geystay oo aan waxba loo reeban islamarkaana aamusi kari waayay.


 

Ujeedada qormadan waxay iga tahay qeyllo dhaan kadib markii aan arkay gumeysi aad u daran oo doonaya inuu hantiyo gabi ahaanba dalkeena Soomaaliya.

 

Inkastoo dadka Soomaaliyeed wada garwaaqsan yihiin in Itoobiya tahay cadawgeena kowaad, ayaa haddana waxaa laga yaabaa in dadka qaar aaney la socon dhibaatada ay maanta inagu hayso.

 

Arrinta aan ka hadlayo ma ahan ciidamada faraha badan ee ay dalka soo galisay, taas waad ka wada warqabtaan laakin waxaan arkaa labo qodob oo halistooda leh una baahan in laga wada hor tago.

 

Midda kowaad waxay tahay In Itoobiya gacanta ku dhigtay mid kamid ah hey’adaha ugu muhiimsan dowladda Federalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, Sidoo kalana xarunta Madaxtooyada ka dhex sameysatay xafiis jaan gooya siyaasadda DF-ka.

 

Itoobiya waxay gacanta ku heysaa Xeer ilaalinta guud ee dowladda iyadoo xafiiskaasi u dhiibatay Axmad Cali Daahir oo ah nin xilal kasoo qabtay dowladooda siiba dhulka ay gumeysato ee Soomaali galbeed.

 

Ninkan ayaa waxa uu Muqdisho iyo gobolada ay shisheeyaha joogaan ku dhex leeyahay awood ka badan tan Xassan Sheekh, waxaana tusaale loo soo qaadan karayaa mas’uuliyiin heer wasaaradeed ah oo uu xabsiga u dhaadhiciyay.

 

Qof ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada oo aanan idan uga heysan inaan magaciisa xigto ayaa ii sheegay in ujeedada ay Itoobiya ula wareegtay xeer ilaalinta ay tahay sidii ay u maamuli lahayd laamaha dowladda oo dhan, weyna ku guuleysatay.

 

Intaa waxaa dheer oo tan ka halis badan In dowladda Ioobiya ay madaxtooyada ku dhax leedahay xafiis wata magac safaaradeed oo laga hago madaxda dowladda, kaas oo uu hogaamiye ka yahay ninka lagu magacaabo Gabre oo kamid ah saraakiisha loo soo tababaray qabashada Soomaaliya.

 

Xafiiskan ayaa mararka qaar ka mashquul badan madaxd dowladda, waxaana lagu arkaa wasiirro, xildhibaano, odayaal iyo wadaad xumayaal sandareero iyo mansab ka doonaya amxaarada.

 

Xaruntan ay Itoobiya ku dhex leedahay madaxtooyada ayaa waxay maamulka Addis-ababa ka gacan siisay sameynta maamul goboleedyo hor leh oo iyada ka amar qaata sida:- kan Kismaayo iyo Baydhabo iyadoo si lamid ah laga hagayo midka hadda la doonayo in laga dhiso gobolada dhexe.

 

Arrimahan waxay imanayaa xilli Muqdisho iyo gobolada dalka ay dhooban yihiin hooyooyin dhibanayaal ah iyo kumanaan caruur ah oo ay agoonteeyeen ciidankii Xabashida ee sannadkii 2007-dii caasimadda qabsaday. Waxaa wali sii muuqda dhiigga dadkii ay gumaadday iyo raadadka daarihii iyo masaajidii ay burburisay.

 

Markaan arkay waaqican aan maanta ku nool nahay, waxaan soo xusuustay hadal taariikhi ah oo uu Sh/Maxamad Rishaad Allaah u naxariistee uu ka jeediyay shir looga hadlayay duullaankii Xabashida ee gobolka Gedo 1996-dii.

 

Sheekha ayaa sheegay in Itoobiya degtay istaraatiijiyad ah in Soomaaliya loo qeybiyo qabaa’illo iyo gobol gobol kadibna la wada hoos geeyo Itoobiya.

 

Haddaba marka la fiiriyo halista aanu ku jirno ayaa waxaa lagu macneyn karaa nin aabahaa dilay oo doonaya inuu hooyadaa dumaalo. Marka diin ahaan la eegana waa arrin aan bannaaneyn in dad Muslimiin ah u hogtaan gumeysigooda.

 

Ugu dambeyntii waxaan dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed dal iyo dibadba ugu baaqayaa in ay garawsadaan meesha maanta xaal marayo, ayna garab istaagaan dhallinyarada xaq u dirirka ah ee har iyo habeen hor taagan gumeysiga. Maanta waxaa qormeysa taariikh ee qof walboow ama qabiil walbow ka fakar halka aad ku qormi doonto berri iyo maalinta aakhiro.

 

W/Q Saxafiga Jaamac Dhoorre

Related Items

Update cookies preferences