Sawirro:Ciidamo Daacad u ah Ismaaciil Cumar Gelle oo 19 Shacab ah ku Dilay Wadanka Jabuuti.

Tuesday December 22, 2015 - 11:29:32
Kooxaha mucaaradka Jabuuti ayaa sheegay in ciidamada meleteriga ee sida gaarka ah uga amar qaata madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay geysteen Xasuuq waxashnimo.


Guddoomiyaha Mucaaradka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Jabuuti ay xoog ku galeen munaasabad ay dad shacab ah ku dhiganayeen bartamaha magaalada caasimadda ah kadibna ay rasaas aan kala sooc laheyn fureen.

Wararka ka madax banana mucaaradka Jabuuti ayaa sheegaya in ciidamada melleteriga Koofiya casta ay toogasho ka geysteen isku imaatinimo ay taageerayaasha mucaaradka ku lahaayeen fagaaraha weyn ee caasimadda Jabuuti.

Dhimashada ayaa gaartay 21 qof shacab ah iyo dhaawaca 72 kale,taliyaha booliska Jabuuti ayaa yareeyay khasaaraha shacabka gaaray wuxuuna kusoo koobay dhaawac!.

Jabuuti waxaa talada xoog ku heysta Ismaaciil Cumar Gelle oo markii 3-aad isku magacaabay madaxweyne,kaabayaasha dhaqaalaha Jabuuti waxaa heysta qoyska Gelle waxaana talada ku ilaaliya ciidamada Faransiiska iyo Mareykanka oo saldhigyo ciidan ku leh gudaha wadanka.

Shacabka Jabuuti ayaa illaa iyo dhammaadkii sagaashameeyadii wajahayay dhibaata dhan walba ah oo uga imaanaysa kaligii taliye ka macaashay boobta hantida umadda.

Jabuuti waxay kamid tahay wadamada duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday soomaaliya waxayna ciidamada Jabuuti kaabayaan kumanaan katirsan ciidanka xabashida Itoobiya ee qabsaday gobollada dhaca bartamaha soomaaliya.

Embedded image permalink

Embedded image permalink

Embedded image permalink

Related Items

Update cookies preferences