Sawirro: Muusil Bani'aadam la Xasuuqayo iyo Xayawaan La Badbaadinayo!

Thursday April 13, 2017 - 19:04:32
10559
Magaalada Muusil ee waqooyiga wadanka Ciraaq waxaa ka dhacay xasuuq daran oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa xukuumadda Shiicada Ciraaq.


Muusil oo ah magaalada 2-adad ee Wadanka ugu weyn waxaa laga barakiciyay dad ka badan 2 Milyan oo qof halka dhimashada gaartay haweenka iyo Carruurta Muslimiinta ay kumanaan qof ka badantahay.

Duqeymo ay Diyaaradaha isbaheysiga Caalamiga ah ka geysteen xaafado katirsan Muusil ayaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay gallaaftay nolosha 360 qof.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in waxa loogu yeero Beesha Caalamka aysan ka hadlin xasuuqa shacabka balse ay afka furatay kadib markii xaalad adag lasoo daristay seero ama xero Xayawaanka lagu xanaaneeyo!.

Jamciyad laga leeyahay wadamada Reer galbeedka oo lagu magacaabo Forbose International ayaa sheegtay in magaalada Muusil ay ka badbaadisay laba xayawaan oo harraad iyo oon ku haayay seero weyn.

Forbose International ayaa koox qaabilsan daryeelka xayawaanka u dirtay magaalada Muusil kadibna Libaax lagu magacaabo SIMBA iyo Madax Kuti ama Dub lagu magacaabo LOLA ayay u qaadeen dhanka wadanka Urdun.

Waa Caalam Sheydaan ukiraysan oo u ooyaya Xayawaanka islamarkaana aan waxba u arkin Xasuuqa Muslimiinta meel walba oo ay joogaan.

Tani waxay dad badan dib uxuusinaysaa markii Hay’adaha Q.Midoobe ay u baroorteen burburinta asnaam dhagxaan ka sameysan oo kuyaal magaalada Tadmur ayna iska indha tireen xasuuqa ay dowladda Suuriya ku heyso shacabka Muslimiinta sunniga ah.

Sidaas oo xayawaankii loosoo badbaadiyay hadane Kumanaan qof muslimiin ah ayaa ku go’doonsan xaafadaha dagaalladu ka socdaan ee magaalada Muusil mana jirto cid ka hadlaysa dhibkooda ama ugurmanaysa.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Labada Xayawaan ee Muusil laga badbaadiyay

الدبة لولا
الأسد سمبا

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items

Update cookies preferences