Sawirro: Isbitaalka Kuunya Barroow oo dib udhis iyo casriyayn lagu sameeyay.

Monday May 13, 2024 - 12:46:18
Liibaan Jeexoow
Munaasabad balaaran oo lagu shaaciyay dib udhis balaaran oo lagu sameeyay isbitaalka Kuunyo Barrow ayaa lagu qabtay gudaha isbitaalka.
Munaasabada waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiin katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin,Culumaa’udiin,odayaal dhaqan ganacsato iyo qaar kamid ah haweenka ku dhaqan Kuunyo Barrow.

Lacagta ku baxday isbitaalka waxaa laga soo qaaday dadka ku nool Kuunyo Barrow iyo deegaanada ka gdhaw, waxaana lagu dhisay lacag dhan 235,000$ iyadoo lagu leeyahay 10,000$.

Sidoo kale dad dibadaha ku nool iyo kuwa kale oo goballada ku dhaqan ayaa kaalin ku lahaa dib udhiska isbitaalka.

Isbitaalka Kuunyo Barrow ayaa Muddo sagaal sanno ah ku shaqeynayay dhismo ka koobnaa Laama yeeri.Alwaax iyo Tiirar,waxaana ugu danbeyn dhismihiisa loo badalay mid dhagax ah


Related Items

Update cookies preferences