Maqaal: 6 Arimood oo ay la Gaar Ahaayeen Go'aanadii Kasoo Baxay Shirweynihii Al Shabaab

Sunday April 12, 2020 - 18:51:49
Liibaan Jeexoow
Kadib markaan akhriyay qodobadii kasoo baxay shirka ay qabatay xarakada al-Shabaab, xafiiskeeda qaabilsan siyaasada, go'aanada ay soo saareen ka qeybgalayaasha, kuwaasooku qornaa Luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka waxay la gaar ahaayeen lix (6) qodob, kuwaas oo aan doonayo inaan ku gorfeeyo qormadan kooban.


1- Jihaad Fardu-Ceyn ah:

Qodobka 1aad ee war murtiyeedka ayaa waxaa lagu yiri: "waa in Mujaahidiintu ay sii xoojiyaan Jihaadka fardu-ceynka ee ay ku difaacayaan Diinta, Dalka iyo Dadka Muslimiinta.”.

Shirarka waaweyn iyo go'aanada siyaasadeed ee maamulada kajira dalka inta badan laguma soo hadal qaado ereyga Jihaad, Halgan iyo erayo ka tarjumaya gumeysi-diidnimo. Ereyga jihaad ayaa la adeegsan jiray xiliyadii ay muslimiintu awooda lahaayeen dunidana ka talin jireen. Taariikhyahanada muslimiinta ayaa qoraalo badan ka sameeyay Jihaadkii uu galay Nabigeena suuban nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee, Alshabaab ayaa sheegta iney u halgamayaan sidey usoo celin lahaayeen dowladii islaamka, taasoo burubrkeedii laga joogo kudhawaad halqarni.

Jihaad iyo mujaahidiin waa ereryo ay adagtahay in uu ka hadalkeedaku dhiirado qofka qurba joog ah ee ila midka ah, qofkii wax ka qorana wuxuu halis gelinayaa noloshiisa iyo tan qoyskiisa. Shirkan oo lagu sheegay in kasoo qeybgalayaashiisu kor u dhaafayeen 100 xubnood ayaa u bareeray iney ka horyimaadaan awoodaha ka taliya dunida ee diidan in ay dhisanto dowlad islaami ah oo ka madax banaan nidaamka caalamiga ah ee uu hormuudka ka yahay Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa Al-Shabaab ku dartay liiska waxa ay ugu yeeraan argagixisada caalamiga ah sanadkii 2008, kooxda ayaa weeraro ka geystay goobo ka baxasan xuduuda Soomaaliya, oo uuu dambeeyey weerarkii 05 January ay ku buruburiyeen qeybo badan oo kamid ah xerada Mareykanku ku leeyahay Kenya ee Manda Bay.

2- Maamulka Villa Soomaaliya oo ka Baxay Diinta Islaamka.

Qodobka 3aad ee warmurtiyeedka ay soo saareen ka qeybgalayaasha shirka, waxaa lagu sheegay: "In waxa loogu yeero dowladda federaalka iyo maamullada gaaladu kadhiseen qaybo kamid ah Soomaaliya ay yihiin maamullo ridda ah, diinta Islaamkana kabaxay, waajibna ay tahay in lala dagaalamo".

Aragtida lagu dhisay go’aankaas ayaa waxaa aad loogu faahfaahiyay fatwada ay soo saareen 40 culimo-diineed taageersan ururka oo ay kamid yihiin culimo aad looga garanayo dalka. Sheykh Jaamac Cabdisalaam, Sheykh Maxamed Bashaar, Sheykh Axmed Dheere ayaa muuqaaladooda laga arkayey sawiradii shirka laga soo qaaday ee ay baahisay kooxdu.

Al-Shabaab ayaa aaminsan in maamulka farmaajo uu dalka u gacan geliyay itoobiya iyo kenya oo ay kooxdu u aragto iney gumeystayaal yihiin, aragtidaas ayaa ah mid ay soomaali badan la wadaagaan kooxda.

Kitaabka quraanka oo aan dalka lagu maamulin, joogitaanka ciidamada shisheeya ah ee ilaaliya dowlada federaalka, xadgudubyada ay ku hayaan dadka soomaaliyeed, kufsiga joogtada ah ee ay kula kacaan dumarka Soomaaliyeed, boobka lagu hayo kheyraadka dalka, dhiibistii Qalbidhagax,gacan ku heynta go’aan ka gaarista iyo ka talinta aayaha Soomaaliya islamarkaana la hoosgeeyo dowlada Itoobiya, dhamaan qodobadaas iyo kuwa lamid ah ayey kooxdu u aragtaa iney sharciyada ka qaadeyso dowlada uu madaxda ka yahay madaxweyne Farmaajo.

Al-Shabaab ayaa dagaal ba’an kula jira dowlada faderaalka ah iyo dowladaha taageera, waxeyna kooxdu diiday iney wadahadal la gasho xukuumadan uu reer galbeedku aqoonsan yahay.

3-Waa Xaaraan ka Qeybqaadashada Doorashooyinka Dimuquraadiga ah.

Qodobka 4aad waxaa lagu sheegay: " In ay xaaraan tahay ka qaybqaadashada waxa loogu yeero doorashada dimuquraadiga ah ee ay saliibiyiinta iyo murtadiintu doonayaan inay kaqabsoonto deegaanada ay xooga kuheystaan Saliibiyiinta loogu yeero AMISOM”.

Hadii ay ku guuleystaan al-Shabaab fulinta go’aankan, wuxuu cadeyn u noqonayaa awoodda ay kooxdu u leedahay meel marinta go’aanada uu soo saaro ururka. Arintan ayaan kadis ku aheyn dhegaha warbaahinta, waxey al-Shabaab baaq ay ugu yeereen towbad keen u fidiyeen ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamanka iyagoo u qabtay iney muddo 45 maalmood gudahoodkusoo gaaraan deegaanada uu ka taliyo ururka.

Mudadii loo qabtay oo aan dhamaan ayaa boqolaal ka tirsanaa ergada u hayaameen deegaanada al-Shabaab, arintaas oo buuq iyo jahwareer siyaasadeed ka dhex abuurtay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah, dhanka kale waxey soo ifbixisay awooda ay kooxdu u leedahay iney meelmariso go’aanada ay soo saarto.

Waxaa xusid mudan in go’aankii ergada iyo kan shirkaba uu kasoo wada baxay xafiiska kooxda u qaabilsan siyaasada iyo wilaayaadka. Hor-istaaga al-Shabaab ee doorashooyinka ayaa sii kordhinayawalwalka dad badan ay ka qabaan hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ah ee qabsoomideeda lagu muransanyahay. Waxysan kooxdu shaacin iney awood u adeegsan doonto iyo in kale si ay u joojiso qabsoomida doorashooyinka la hadalhayo.

4-Halista ka Dhalan Karta Qulqulka Itoobiyaanka Soo Galaya Dalka

War Murtiyeedka kasoo baxay Al-Shabaab waxaa go'aanada lagu xusay kamid ahaa: "In aadloogadigtoonaadoqulqulkagaaladaItoobiyaanka ah eesoogalayadalka, tirobadanookamidahna ay saldhigteenqaarkamid ah magaalooyinka waaweyneedalka.".

Go'aankan waa mid aysan suuragal ahayn inuu kasoo baxo maamul goboleedyadahoostaga dowlada Federalka iyo xukuumada Farmaajo. Dowalada Itoobiya ayaa safaarada dhowr ah ku leh dalka, waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo kor u dhaafaya 10’000 oo askari. Ra’iisul wasaare Abey Ahmed ayaa saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya. Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayey qulqulka itoobiyaanka soo galaya Soomaaliya. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ah degaanada ugu badan ee ay soo gaaraan soo galootiga itoobiyaanka.

Culimada iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa walwal xoogan ka qaba isbadelka ku dhici kara demographic deegaanadaas, waxey sidoo kale arkaan in mawjadaha soo galooti ay yihiin kuwo qorsheysan oo aad looga baaran degay, waxeyna si gaar ah u beegsanayaan degaano xeebeedka ku teedsan bada cas iyo marinka "Baab Al-Mandab”.

Ka qeybgalayaasha shirka al-Shabaab ayaa ka walaacsan qaxootigaas dalka soo galaya, waxeyna sheegayaan khubarada ku xeeldheer kooxda iney ka cabsi qabto is badal ku yimaada diinta, dhaqanka, iyo akhlaaqda dadka ku nool deeganada ay saldhigteen qaxootiga itoobiyaanka.

Digniinta al-Shabaab waxey walaac ku abuuri kartaa hay’ada qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR oo aan xafiis ku laheyn deegaanada ay ka taliso kooxdu.

5- Wilaayaatka Islaamiga Waxay Qalcad Adag u Yihiin Muslimiinta

Go'aanka ay dad badan la ashqaraareen ee ku xusnaa war murtiyeedka Al-Shabaab wuxuu ahaa qodobka 13aad kaasoo lagu yiri: "kasooqeybgalayaashawaxaycaddeeyeen in wilaayaatkaIslaamiga ay qalcadadag u yihiinMuslimiintadhamaantood, maganna u yihiinqofkastaoodhibane u ah dulmigagaaladukuheysoMuslimiinta".

Arintan ayaa ka dhigan in aasaaskawadaninimo ee ay rabaan in ay ku dhisaan siyaasada dalkaay tahayislaamnimo, iyadoo aan la eegeyn jinsiyad, qawmiyad iyo luuqad. Waxey kooxdu aaminsan tahay in dhulka ay maamushouukadhexeeyomuslimiintaoodhan cadaan iyo madow intaba, dunidana ay u qaybsantodaarul Islaam iyo daarul Kufri, xaakimiyaduna tahayshareecada Islaamka oo keliya, dal-ku-galka Soomaaliyana uu noqonayoIslaamnimooo keliya.

Muwaadiniin Muslimiin ah oo kasoo jeeda wadamada Kenya, Tanzaniya, Itoobiya, Mareykanka, Yurub iyo Aasiya ayaa la sheegaa iney ku sugan yihiin deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab Iyagoo aanan ogolaansho ka helin dowlada faderaalka ah, dal-ku-galna aan heysan, isla markaana aanan soo marin waaxda socdaalka u qaabilsan dowlada faderaalka. Al-Shabaab ayaa muwaadiniintaas ku sheega muhaajiriin, waana erey bixin loo yaqaanay muslimiintii lasoo hijrootay rasuulkeena suuban nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee billowgii islaamka.

Alshabaab ayaa tixgelin gaar ah iyo maamuus siiya muawaadiniintaas aanan heysan jinsiyada Soomaaliya, halka dowlada farmaajana ay u taqaan ajaanib argagixisa ah, mudan in maxkamad lasoo taago.

6- In Laga Digtoonaado Coronavirus iyo HIV AIDIS

Al-Shabaab waxay Soomaalida uga digeen cudurada halista ah ee kusoo kordhay dunida sida Coronavirus iyo HIV, waxayna faafintiisa ku eedeeyeen ciidamada shisheeye ee jooga wadanka (AMISOM) iyo dowladaha taageera ee xafiisyada iyo xarumaha ku leh Xalane.

War murtiyeedka Shabaab waxaa lagu yiri waa: "Inay bulshada Muslimka ka digtoonaadaan cudurada faafa ee kusoo badanaya dunida sida Corona Virus iyo HIV-ga, taasoo ay faafinteedu kaalin lixaadleh kaqaadanayaan ciidamada saliibiga ah ee dalka kusoo duulay, iyo dolwadaha gaalada ah ee taageerada siiya.".

Inkastoo kooxdu ay dagaal kula jirto AMISOM iyo Shisheeyaha reergalbeedka hadana waxay dadka indheergaradka ah tilmaamayaan in aan looga baran kooxda ka hadalka musiibooyinka ku habsada dunida.Kooxda ayaa ku eedeysay shisheeyaha ku sugan dalka iney ka qeybqaadanayaan faafinta cudurka, aragtidaas waxaa sii xoojinaya cadeymaha muujinaya in mid kamid ah kiisaskii ugu horeeyey ee Corona lagu arkay xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee shisheeyuhu ka degan yahay dalka.

Xalaneoo ah taliska ugu weyn ee shisheeyaha ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyay dumar badan oo afduub loo heystay kadibna la qaadsiiyay cudurka dilaaga ah ee HIV AIDIS-ka, warbixin kasoo baxdayhay'ada xuquuqul insaanka-Human Rights Watch ayaa diiwaan gelisay in ka badan 10-kiis oo kala duwan oo kamid ahaa kufsiyo ay geysteen ciidamada AMISOM, Intaas waxaa sii dheer tobanaanka ruux ee ay ku dileen wadooyinka Muqdisho ama ay jiirsiiyeen gawaaridooda gaashaaman.

Muuqaal laga qaaday madaxweynaha Ugandha, Yuweri Museveni ayaalagu baahiyay baraha bulshada isagoo canaananaya askari Police-ka ka tirsan oo dharbaaxay gabar yugaandheys ah.Askarigi ayuu wuxuu ku yiri: "Haddii aad dooneyso dumar aad dharbaaxdo waxaan kuu direynaa Soomaaliya, halkaas ayaa looga baahan yahay dharbaaxsho”.

Muuqaalkaas ayey ka caroodeen kana falceliyeen dad badan oo Soomaaliyeed, waxaase illaa iyo hadda dad badan is weydiinayaan sababta uu madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa uga hadli la’yihiin xadgudubka madaxweynaha Yugaandha kula kacay ummada Soomaaliyeed.

Museveni ayaa dowlada faderaalka ee uu hogaamiyo farmaajo u arka inay tahay mid taagdaran oo fashilantay, sida uu ku sheegay khudbadii uu ka jeediyay Koonfurta Sudan sanadii 2018-kii.

Gunaanad: Maqaalkan wuxuu dhameystir u yahay maqaal aan horey uga qoray shirka ay ku qabteen alshabaab degaanada ay ka arrimiyaan, kaasoo ay sheegeen iney kaga arrinsanayeen aayaha muslimiinta ku dhaqan bariga afrika. Qormadan kooban Waxaan isdultaag ku sameeyay go’aanadii ay soo saareen xubnihii ka qeybgalay shirkaas.

Al-Shabaab ayaa ah ururka ugu saameynta badan siyaasada geeska Afrika, taasoo ururka siineysa ahmiyad caalami ah oo mudan in lala tacaamulo. Daraasaadka laga qoro al-Shabaab ayaa badanaa ka fog dhexdhexaadnimada, waxeyna mugdi gelisay fahamka mudan in laga qaato ururka.Waxaan rajeynayaa in qormadaan iyo kuwa xiggi doonaba sawir dhameystiran ka bixindoonaan waaqica ka jira dhulkeena hooyo, si gaar ahna diirada usaaridoonaan aragtida Al-Shabaab iyo sida ay u fekaraan, si uu waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed u helo macluumaad sax ah oo uu ku dhisan karo aragtidiisa siyaasadeed iyo mawqifka uu ka qaadanayo kooxda.

Abdirizaaq Xaaji Xuseen

Stockholm, Sweden-

FG: Fikirka wuxuu gaar uyahay qoraaga Maqaalka SomaliMeMo looma tiirin karo
kala xiriir: [email protected]

Related Items

Update cookies preferences