1- Jihaad Fardu-Ceyn ah:
Qodobka 1aad ee war
murtiyeedka ayaa waxaa lagu yiri: "waa in Mujaahidiintu
ay sii xoojiyaan Jihaadka fardu-ceynka ee ay ku difaacayaan Diinta, Dalka iyo
Dadka Muslimiinta.”.
Shirarka waaweyn iyo
go'aanada siyaasadeed ee maamulada kajira dalka inta badan laguma soo hadal
qaado ereyga Jihaad, Halgan iyo erayo ka tarjumaya gumeysi-diidnimo. Ereyga jihaad
ayaa la adeegsan jiray xiliyadii ay muslimiintu awooda lahaayeen dunidana ka
talin jireen. Taariikhyahanada muslimiinta ayaa qoraalo badan ka sameeyay
Jihaadkii uu galay Nabigeena suuban nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha
ahaatee, Alshabaab ayaa sheegta iney u halgamayaan sidey usoo celin lahaayeen
dowladii islaamka, taasoo burubrkeedii laga joogo kudhawaad halqarni.
Jihaad iyo mujaahidiin waa
ereryo ay adagtahay in uu ka hadalkeeda ku dhiirado qofka qurba joog ah ee ila
midka ah, qofkii wax ka qorana wuxuu halis gelinayaa noloshiisa iyo tan
qoyskiisa. Shirkan oo lagu sheegay in kasoo qeybgalayaashiisu kor u dhaafayeen
100 xubnood ayaa u bareeray iney ka horyimaadaan awoodaha ka taliya dunida ee
diidan in ay dhisanto dowlad islaami ah oo ka madax banaan nidaamka caalamiga
ah ee uu hormuudka ka yahay Mareykanka.
Dowlada Mareykanka ayaa
Al-Shabaab ku dartay liiska waxa ay ugu yeeraan argagixisada caalamiga ah
sanadkii 2008, kooxda ayaa weeraro ka geystay goobo ka baxasan xuduuda
Soomaaliya, oo uu u dambeeyey weerarkii 05 January ay ku buruburiyeen qeybo
badan oo kamid ah xerada Mareykanku ku leeyahay Kenya ee Manda Bay.
2- Maamulka Villa
Soomaaliya oo ka Baxay Diinta Islaamka
Qodobka 3aad ee
warmurtiyeedka ay soo saareen ka qeybgalayaasha shirka, waxaa lagu sheegay:
"In waxa loogu yeero dowladda federaalka iyo maamullada gaaladu kadhiseen
qaybo kamid ah Soomaaliya ay yihiin maamullo ridda ah, diinta Islaamkana ka
baxay, waajibna ay tahay in lala dagaalamo".
Aragtida lagu dhisay
go’aankaas ayaa waxaa aad loogu faahfaahiyay fatwada ay soo saareen 40
culimo-diineed taageersan ururka oo ay kamid yihiin culimo aad looga garanayo
dalka. Sheykh Jaamac Cabdisalaam, Sheykh Maxamed Bashaar, Sheykh Axmed Dheere
ayaa muuqaaladooda laga arkayey sawiradii shirka laga soo qaaday ee ay baahisay
kooxdu.
Al-Shabaab ayaa aaminsan in
maamulka farmaajo uu dalka u gacan geliyay itoobiya iyo kenya oo ay kooxdu u
aragto iney gumeystayaal yihiin, aragtidaas ayaa ah mid ay soomaali badan la
wadaagaan kooxda.
Kitaabka quraanka oo aan
dalka lagu maamulin, joogitaanka ciidamada shisheeyaha ee ilaaliya dowlada federaalka, xadgudubyada
ay ku hayaan dadka soomaaliyeed, kufsiga joogtada ah ee ay kula kacaan dumarka
Soomaaliyeed, boobka lagu hayo kheyraadka dalka, dhiibistii Qalbidhagax, gacan
ku heynta go’aan ka gaarista iyo ka talinta aayaha Soomaaliya islamarkaana la
hoosgeeyo dowlada Itoobiya, dhamaan qodobadaas iyo kuwa lamid ah ayey kooxdu u
aragtaa iney sharciyada ka qaadeyso dowlada uu madaxda ka yahay madaxweyne
Farmaajo.
Al-Shabaab ayaa dagaal ba’an
kula jira dowlada faderaalka ah iyo dowladaha taageera, waxeyna kooxdu diiday
iney wadahadal la gasho xukuumadan uu reer galbeedku aqoonsan yahay.
3-Waa Xaaraan ka
Qeybqaadashada Doorashooyinka Dimuquraadiga ah
Qodobka 4aad waxaa lagu sheegay:
" In ay xaaraan tahay ka qaybqaadashada waxa loogu yeero doorashada
dimuquraadiga ah ee ay saliibiyiinta iyo murtadiintu doonayaan inay kaqabsoonto
deegaanada ay xooga kuheystaan Saliibiyiinta loogu yeero AMISOM”.
Hadii ay ku guuleystaan
al-Shabaab fulinta go’aankan, wuxuu cadeyn u noqonayaa awoodda ay kooxdu u
leedahay meel marinta go’aanada uu soo saaro ururka. Arintan ayaan kadis ku
aheyn dhegaha warbaahinta, waxey al-Shabaab baaq ay ugu yeereen towbad keen u
fidiyeen ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamanka iyagoo u qabtay iney
muddo 45 maalmood gudahood kusoo gaaraan deegaanada uu ka taliyo ururka.
Mudadii loo qabtay oo aan
dhamaan ayaa boqolaal ka tirsanaa ergada u hayaameen deegaanada al-Shabaab,
arintaas oo buuq iyo jahwareer siyaasadeed ka dhex abuurtay xildhibaanada
baarlamaanka federaalka ah, dhanka kale waxey soo ifbixisay awooda ay kooxdu u
leedahay iney meelmariso go’aanada ay soo saarto.
Waxaa xusid mudan in
go’aankii ergada iyo kan shirkaba uu kasoo wada baxay xafiiska kooxda u qaabilsan
siyaasada iyo wilaayaadka. Hor-istaaga al-Shabaab ee doorashooyinka ayaa sii
kordhinaya walwalka dad badan ay ka qabaan hannaanka doorashooyinka qof iyo
codka ah ee qabsoomideeda lagu muransanyahay. Waxysan kooxdu shaacin iney awood
u adeegsan doonto iyo in kale si ay u joojiso qabsoomida doorashooyinka la
hadalhayo.
4-Halista ka Dhalan Karta
Qulqulka Itoobiyaanka Soo Galaya Dalka
War Murtiyeedka kasoo baxay
Al-Shabaab waxaa go'aanada lagu xusay kamid ahaa: "In aad looga
digtoonaado qulqulka gaalada Itoobiyaanka ah ee soo galaya dalka, tiro badan oo
kamid ahna ay saldhigteen qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka.".
Go'aankan waa mid aysan
suuragal ahayn inuu kasoo baxo maamul goboleedyada hoostaga dowlada Federalka
iyo xukuumada Farmaajo. Dowalada Itoobiya ayaa safaarada dhowr ah ku leh dalka,
waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo kor u dhaafaya 10’000 oo askari. Ra’iisul
wasaare Abey Ahmed ayaa saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya.
Mudooyinkii ugu dambeeyay
waxaa soo badanayey qulqulka itoobiyaanka soo galaya Soomaaliya. Maamulada
Puntland iyo Somaliland ayaa ah degaanada ugu badan ee ay soo gaaraan soo
galootiga Xabashida. Culimada iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa walwal xoogan
ka qaba isbadelka ku dhici kara demographic deegaanadaas, waxey sidoo
kale arkaan in mawjadaha soo galooti ay yihiin kuwo qorsheysan oo aad looga soo
baaran degay islamarkaana is gaar ah u beegsanaya degaano xeebeedka ku teedsan
bada cas iyo marinka "Baab Al-Mandab”.
Ka qeybgalayaasha shirka
al-Shabaab ayaa ka walaacsan qaxootigaas dalka soo galaya, waxeyna sheegayaan
khubarada ku xeeldheer kooxda iney ka cabsi qabto is badal ku yimaada diinta,
dhaqanka, iyo akhlaaqda dadka ku nool deeganada ay saldhigteen qaxootiga
itoobiyaanka.
Digniinta al-Shabaab waxey
walaac ku abuuri kartaa hay’ada qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee
marka lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR oo aan xafiis ku laheyn deegaanada ay ka
taliso kooxdu.
5- Wilaayaatka Islaamiga
Waxay Qalcad Adag u Yihiin Muslimiinta
Go'aanka ay dad badan la
ashqaraareen ee ku xusnaa war murtiyeedka Al-Shabaab wuxuu ahaa qodobka 13aad
kaasoo lagu yiri: "kasoo qeybgalayaasha waxay caddeeyeen in wilaayaatka
Islaamiga ay qalcad adag u yihiin Muslimiinta dhamaantood, maganna u yihiin qof
kastaoo dhibane u ah dulmiga gaaladu kuheyso Muslimiinta".
Arintan ayaa ka dhigan in
aasaaska wadaninimo ee ay rabaan in ay ku dhisaan siyaasada dalka ay tahay
islaamnimo, iyadoo aan la eegeyn jinsiyad, qawmiyad iyo luqad. Waxey kooxdu
aaminsan tahay in dhulka ay maamusho uu ka dhexeeyo muslimiinta oo dhan cadaan
iyo madow intaba, dunidana ay u qaybsanto daarul Islaam iyo daarul Kufri,
xaakimiyaduna tahay shareecada Islaamka oo keliya, dal-ku-galka Soomaaliyana uu
noqonayo Islaamnimo oo keliya.
Muwaadiniin Muslimiin ah oo
kasoo jeeda wadamada Kenya, Tanzaniya, Itoobiya, Mareykanka, Yurub iyo Aasiya
ayaa hadaba ku sugan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab. Iyagoo aanan soo marin
waaxda socdaalka dowlada faderaalka Soomaaliya, dal-ku-galna aan heysan.
Al-Shabaab ayaa muwaadiniintaas u yaqaan muhaajiriin, waxeyna leeyihiin
xasaanad gaar ah, halka dowlada farmaajana ay u taqaan ajaanib argagixisa ah
ayna tahay in maxkamad lasoo taago.
6- In Laga Digtoonaado
Corona Virus iyo HIV AIDIS
Al-Shabaab waxay Soomaalida
uga digeen cudurada halista ah ee kusoo kordhay dunida sida Coronavirus iyo
HIV, waxayna faafintiisa ku eedeeyeen ciidamada shisheeye ee jooga wadanka
(AMISOM) iyo dowladaha taageera ee xafiisyada iyo xarumaha ku leh Xalane.
War murtiyeedka Shabaab waxaa
lagu yiri waa: "Inay bulshada Muslimka ka digtoonaadaan cudurada faafa ee
kusoo badanaya dunida sida Corona Virus iyo HIV-ga, taasoo ay faafinteedu
kaalin lixaadleh kaqaadanayaan ciidamada saliibiga ah ee dalka kusoo duulay,
iyo dolwadaha gaalada ah ee taageerada siiya.".
Inkastoo kooxdu ay dagaal
kula jirto AMISOM iyo Shisheeyaha reergalbeedka hadana waxay dadka
indheergaradka ah tilmaamayaan in aan looga baran kooxda ka hadalka
musiibooyinka ku habsada dunida. Kooxda ayaa ku eedeysay shisheeyaha ku sugan
dalka iney ka qeybqaadanayaan faafinta cudurka, aragtidaas waxaa sii xoojinaya
cadeymaha muujinaya in mid kamid ah kiisaskii ugu horeeyey ee Corona lagu arkay
xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee shisheeyuhu ka degan yahay dalka.
Xalane oo ah taliska ugu weyn
ee shisheeyaha ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyay dumar badan oo afduub loo
heystay kadibna la qaadsiiyay cudurka dilaaga ah ee HIV AIDIS-ka, warbixin
kasoo baxday hay'ada xuquuqul insaanka-Human Rights Watch ayaa diiwaan gelisay
in ka badan 10-kiis oo kala duwan oo kamid ahaa kufsiyo ay geysteen ciidamada
AMISOM, Intaas waxaa sii dheer tobanaanka ruux ee ay ku dileen wadooyinka
Muqdisho ama ay jiirsiiyeen gawaaridooda gaashaaman.
Muuqaal laga qaaday
madaxweynaha Ugandha, Yuweri Museveni ayaa lagu baahiyay baraha bulshada isagoo
canaanaya askari Police-ka ka tirsan oo dharbaaxay gabar yugaandheys
ah.Askarigi ayuu wuxuu ku yiri: "Haddii aad dooneyso dumar aad dharbaaxdo
waxaan kuu direynaa Soomaaliya, halkaas ayaa looga baahan yahay dharbaaxsho”.
Muuqaalkaas ayey ka caroodeen
kana falceliyeen dad badan oo Soomaaliyeed, waxaase illaa iyo hadda dad badan
is weydiinayaan sababta uu madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa uga hadli
la’yihiin xadgudubka madaxweynaha yugaandha kula kacay ummada Soomaaliyeed.
Museveni ayaa dowlada
faderaalka ee uu hogaamiyo farmaajo u arka inay tahay mid taagdaran oo
fashilantay sida uu ku sheegay khudbadii uu ka jeediyay Koonfurta Sudan
2018-kii.
Gunaanad;
Maqaalkan wuxuu dhameystir u
yahay maqaal aan horey uga qoray shirka ay ku qabteen alshabaab degaanada ay ka
arrimiyaan, kaasoo ay sheegeen iney kaga arrinsanayeen aayaha muslimiinta ku
dhaqan bariga afrika. Waxaan isdultaag ku sameeyay go’aanadii ay soo saareen
xubnihii ka qeybgalay shirkaas.
Al-Shabaab ayaa ah ururku ugu
saameynta badan siyaasada geeska Afrika, taasoo ururka siineysa ahmiyad caalami
ah oo mudan in lala tacaamulo. Daraasaadka laga qoro al-Shabaab ayaa badanaa ka
fog dhexdhexaadnimada, waxeyna mugdi gelisay fahamka mudan in laga qaato
ururka, siyaasadiisana lagu saadaalin lahaa. Waxaan rajeynayaa in qormadaan iyo
kuwa xiggi doonaba sawir dhameystiran ka bixin doonaan waaqica ka jira
dhulkeena hooyo, si gaar ahna diirada usaari doonaan aragtida Al-Shabaab iyo
sida ay u fekaraan, si uu waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed u helo
macluumaad sax ah oo uu ku dhisan karo aragtidiisa siyaasadeed iyo mawqifka uu
ka qaadanayo kooxda.
Abdirizaaq xaaji Xuseen
Stockholm, Sweden
Email: [email protected]